Madaxwaynaha Jabuuti Oo Ka Hadlay Sababta Uu Markii Shanaad Uu Isku Soo Sharaxay
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan ku dhawaaqay inuu
mar kale isku sharraxaya xilka madaxtinnimada doorashada bisha soo socoto
dalkaasi ka dhici doonto ayaa sheegay inuu goa'aansaday inuu ka qeybgala
tartankii markii shanaad ka dib "codsi uga yimid shacabka".
Geelle oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in dadkiisa ay ku "khasbayaan" inuu u tartama doorashada madaxtinnimada dhaceysa 23 April. Waxa uu awoodda dalkaasi hayay tan iyo sanaddii 1999-kii.
Waa la igu khasbayaa
"Runta haddii aan sheego dadka ayaa igu khasbaya. Ayaantii dhaweyd anigoon wali hadlinba, ayay dadweynuhu gaar ahaan dhallinyaradu ay igu dhaheen joog ha dhaqaaqin. Markaas ayaan u soo dhigtay inaan markii ugu dambeysay sameeya(tartanka) oo aan sii joogo," ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inuu "gaboobay", shaqada uu hayayna ay ku wanaagsan tahay dhallinyaradu inay qabtaan. Marar hore ayuu madaxweynuhu sheegay inuusan u tartami doonin xilka doorashada.
Billooyinkii
dahwaa waxaa dalka Jabuuti ka dhacayay dibadbaxyo naadir ah oo lagu diidanaa
xukunka iyo siyaaasadaha dowladiisa.
Xoogagga
ammaanka ayaa lagu eedeeyay inay is hortaageen dibadbaxyo isbuucyadii la so
dhaafay lagu diidanaa in Geelle uu markii shanaad u tartama xilka.
Diyaargarowga doorashada
Wakhtiga ka
dama beysta ee diwanagelinta musharrixiinta ayaa ah 10 -ka bishan March oo ku
aadan Arbacada soo socoto. Balse in badan oo ka mid ah hoggaamiyayaasha
xisbiyada mucaaradka ayaa qaadacay ka qeybgalka doorashada April oo ay ku
tilmaameen riwaayad.
Ma jira guddi
madax bannaan oo maamula doorashooyinka Jabuuti, waxaana howlaha doorashooyinka
dusha kala socda wasaaradda arrimaha gudaha.
Mucaaradka
ayaa ku eedeyay madaxweyne Geelle inuu is hortaagay meel marinta heshiis ay
mucaaradka iyo dowladda 2014-kii isku afgarteen in la alkumo guddi madax
bannaan oo howshiisu tahay diyaarinta doorashooyinka.
Madaxwene Geelle ayaa eeeyntaasi ku gacanseyray.
"Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa arrimahaasi (doorashooyinka) ka shaqeysa. Guddi madax banaanna wuu jiray, wuuna jiri doonaa. Heshiiska nimankaas iyaga uun ayaa ka baxay. Mar alaale iyo markay dareemeen in aanay waxay rabaan u suuroobeynin ayay durbaan qaataan oo ay meel walba ka qeyliyaan. Doorashada marka la gaara uunbaa la arkaa.. Sidaasna wax laguma helo", ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.
Wasiirka arrimaha gudaha Muumin Axmed ayaa sheegay in qeybinta kaararka codbixinta oo billaabatay 25-kii February ay "si wanagsan u socoto" siina socon doonto ilaa iyo 8-da April.