Maxamuud Cabdi Shide "Tuur" Iyo C/Raxmaan Maxamuud Caydiid "Soltelco" Laba Nin Oo Isku ADEER Ah (Qaybtii 4aad) Maxamed Xoosh

0
Saturday May 04, 2019 - 09:35:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Cabdi Shide "Tuur" Iyo C/Raxmaan Maxamuud Caydiid "Soltelco" Laba Nin Oo Isku ADEER Ah (Qaybtii 4aad) Maxamed Xoosh

    Sideedaba dawladaha waxaa dib u dhaca ka saara dad labeenta loo yaqaan "Fogaan aragga"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sideedaba dawladaha waxaa dib u dhaca ka saara dad labeenta loo yaqaan "Fogaan aragga"
oo Qarameeya ama dawladeeya shacabkoodana oo wado u jeexa Sifooyinka lagu garto aynu qayb kasoo qaadano madaama mawduuceenu uu yahay qaab dhaqanka Hogaan jeexi kara wadadii guusha

Muj: Maxamuud Cabdi Shide AHN


1-Wuxuu ka taagnaa MAWQIF cad in Shacabka Somaliland isku wada mid yihiin dhamaan wada muwaadiniin , In la Dulmo danyarta , In qoriga qalin lagu baddelo , La dagaalanka Musuqmaasaqa maaliyadeed , In sharcigu sareeyo , Hadaladii igu danbeeyay waxaa ka mid ahaa "Sidaad danta gaarka ugu dedaalaysaan DANTA GUUD UGU SHAQEEYA” Wuxuu xil isagu iska saaray siday ummadani Jahliga iyo Baahida iyo dib u dhaca uga bixi lahayd ...

2-Dadkii ku xeeranaa "waa muhiim” waxaad ka garan kartaa qaab Fikirka ah Dulmidiidka , Halgan aan ku koobnayn qori iyo qalin keliya , In JAMHUURIYADDA SOMALILAND DIMQUMRAADIGA hano-qaado , In la toosiyo shacabka si aan XORIYADOODA LOO XADIN SIDII 1960 , In farta loogu fiiqo siyaasi khaain ah oo danbe ugu guurin ... Fikirkaa waxa la wadaagaayay rag ka agdhawaa

3- Caadifadda iyo Dareenka laab lakacu ma hagi jirin waa dhaqan qofka nolosha soo tijaabiyay baran karo sida "Siyaasiyiinta Waaweyn” Qofku marka uu xor ka noqdo qabiil iyo dano gaar ah xeerinteed , Eexasho nin jeclaysi , Aarsi , Nacayb , Isku dherarin qof kale ...

Aynu jaleecno Maayir : Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid

1- Mawqif cad kama laha Sida Dulmiga danyarta , Saraynta sharciga , DANTA GUUD , dadkii soo doortay baahiyahooda , boobka dhulka ka jira , Aan sababeeyo Maayirka kama aha xumaan iyo badheedh ee Dawladda Hoose ayaa qaabkaa loo maamulaa waa wadiiqo laablaab badan waxa ka bixi kara uun Nin Qiyam iyo Mawqif cad ka leh si kalena u fakaraaya.

2-Arinka dhaliisha ugu badan ku yeeshay waa dadka KU XEERAN iyo cidda sida gaarka ah ula taliya , La taliyayaashaadu waa inay kaa Aqoon iyo khibrad iyo caqli bataan si Libintu kuu raaco markaa Cabdiraxmaan yaa ka agdhow isweydii muwaadin ?

3-Caadifadda iyo Laab lakaca wey shaqaysaa Cabdiraxmaan oo dhaliishu wuu dhibsadaa MAAYIR XILKA AYAA WATA DHALIISHA IYO CAYDA waxaad leedahay iyo waxaanad lahayn dadka hadalkooda waxa u jawaab ah ficil waxqabad keliya hadii mar siyaasadda aad soo gashay ha muujin wax laab lakac ah dareenkaaga maamul

"Hadaan qalbiga lingaxo, oo la hashada u diido, lurba ima gaadheene” M Nuur Fadal

La Soco…..

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...