Xukuumada Oo Fariin U Dirtay Musharixiinta U Tartamaya Golaha Wakiilada Iyo Goleyaasha Deegaanka

0
Saturday March 06, 2021 - 14:08:55 in News by
  • Visits: 1512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Fariin U Dirtay Musharixiinta U Tartamaya Golaha Wakiilada Iyo Goleyaasha Deegaanka

    Xukuumada Oo Fariin U Dirtay Musharixiinta U Tartamaya Golaha Wakiilada Iyo Goleyaasha Deegaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Fariin U Dirtay Musharixiinta U Tartamaya Golaha Wakiilada Iyo Goleyaasha Deegaanka

Hargeysa(HWN):-Wasaaradda H.Maaliyadda JSL iyada oo ka duulaysa fulinta awaamiirta Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diwaangalinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020, gaar ahaan qodobada 67-aad, 68-aad, 72-aad, 83-aad, iyo 84-aad. Isla markaana eegaysa ahmiyada ay Dalka u leedahay qabsoomida doorashooyinka is ku sidkan ee Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka, waxa ay ku wargalinaysaa murashixiinta in Wasaaraddu bilawday qabashada feega musharixiinta xeerku ku waajibiyey.Waana sidan shuruudaha iyo deebaajiga aan celiska lahayn ee murashixiinta laga rabaa:
Sacad Cali Shire:


1. Qoraal rasmi ah oo ka imanaya xisbiga uu ka sharaxan yahay, kaas oo wata faah-
faahintan.

a) Magaca musharaxa oo afaran

b) Jagada musharaxnimo ee uu u tartamayo

c) Hadii uu gole deegaan u sharaxan yahay, degmada uu ka sharaxanyahay iyo darajadeeda

d) Koobi aqoonsiga musharaxa

2. Hadaba,iyada oo la raacayo shuruudahaas kor lagu soo sheegay, waxa laga qabanayaan
musharax kasta oo u sharaxan golaha wakiilada iyo deeagaanada jsl, xadiga lacageed ee
hoos ku xusan, waana sidan:

SN Musharaxa Xadiga Deebaajiga aan Celiska lahayn

1. Musharaxa Golaha Wakiilada 40,000,000

2. Musharaxa Golaha Deegaanka:-

Darajada Degmada A 15,000,000

Darajada Degmada B 7,000,000

Darajada Degmada C 4,000,000

Loading...
Loading...