Gudoomiye Golaha Wakiilada Somaliland Baashe ( Speaker Waayo arragnimo La,aan)
Dhamaan waan salaamaya bulshadda Somaliland iyo Somalida kale
meelkasta oo ay joogaan ee xidhiidhka la leh baraha warbaahinta.
Intaa dabadeed waxaan la socoteen in dhawaan lagu dilay labo
sarkaal oo kala tirsanaa Ciidamada Asluubta iyo Booliiska kuwaas oo ay
dileen dabley hubaysani falkaasi dabadeedna ay baxsadeen.
Wuxuu madaxweynaha Somaliland uu soo saarey xukun deg deg sadex
degmo oo kuwaas oo kala ahaa Ceerigaabo, Ceelafweyn iyo Garadag ,wuxuun
madaxweynuhu soo mariyey labada gole si ay u ansixiyaan go,aankaasi.
Ka dib sida aad lawada socotaan waxaa laysugu yeedhay fadhi aan caadi
aheyn labada gole.
Haddaba maxaa dhacey markii uu shirkaa furey gudoomye Baashe ee uu
sheegay tirada inta joogta fadhiga 107 una sheegey sababta
xildhibaanad loogu yeedhay loona akhriyey warqadii uu Madaxweynuhu soo
qoray waa Muuse Biixiye-
-Baashe wuxuu yidhi cod ayaa lagalinayaa inta ogol iyo inta diida -
-Baashe muu odhan waa laga doodayaa xeer madaxweyne uu soo gudbiyey.
-Gudoomiyuhu markii ay gacan taageen intii ogoleyd xukunka deg deg 38 xildhibaaan,
Baashe waxay ahayd inuu sii wado xildhibaanad diidan iyo kuwa ka
aamusay intaa midna muu sameyn ee golihii ayuu xidhay taas oo ah qerul
sharci.
- Waxaa aad iyo aad ula yaabay sida uu ula hadlaayey xildhibaanada qaarkood WAAR AAMUS WAR AAMUS maaha ery nin Shirgudoomiye ah uu sidaa ula dhaqmo meel ay isku yimaadeen labo aqal oo sharci dajineen-
- Gudoomiuye Baashe ma sidan ayuu ku maamulaa golaha wakiiladda waxay ku tahay golaha fadeexad haddii shir gudoonku sidan golaha uu u hogaamiyo waxaana la ceynayaa aqliga xildhibaanadda .
Waxaan kula talinayaa Gudoomiyaha inuu marka hore xaal iyo raali
galin ka bixiyo falalkaasi uu kula gacay goloyaashii sharci dejinta iyo
ummada Soomalinad. Miyaanu ka faa,iideysan Macalinkiisii Abdirahmaan
Ciro habkii uu u maamulaayey golaha mar haddii muddo dhawr sannadood
uu ahaa gudoomiiye ku xigeen Mudane gudoomiye waxaad dib u akhridaa
shaqadda shirgudoonka waxay tahay sida golaha loo agaasimo . Shir
gudoomadu iyagu cod malaha wixii ay isku raacaan golahaasi ayuu Dubaha
ugu dhuftaa iyo hadalada oo uu u qaybiyo.
Ahmed Daacad
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...