Xaaladda Deg Degga Ah (State Of Emergency)

0
Saturday May 04, 2019 - 09:20:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1056
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladda Deg Degga Ah (State Of Emergency)

    Horta marka hore waa arrin caalammi ah,waa xaalad waddamada adduunku kula

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horta marka hore waa arrin caalammi ah,waa xaalad waddamada adduunku kula

tacaalaan arrin soo korodhay oo ah Masiibooyin dabiici ah,nabad gelyo darro soo cusboonaata IWM.



Haddii xagga fiicanba laga eego paarlamanku inuu diidaa ama uu ogolaadaa waa sharaf waana wixii loo soo doortay,waxay sare u qaadi kartaa sumcadda waddanka in barlamanku ka horyimaaddo Mooshin ka yimid xukuumadda waxana la ogaanayaa inay ka jirto waddanka hayado kala madaxbanaan "Check and Balance” macnaha baarlaman madax banana oo wax diidi kara waxna ogolaan kara, hase ahaatee waxa muhiim ah inaynu wax ka ogaano Xaaladda deg degga ah "State of Emergency


Xaaladda deg degga ah waa xaalad ay xukuumaddu awoodda kula wareegayso,si loo caadiyeeyo xaalad soo korodhay oo aan raalli laga ahayn,xaaladdan waxa ay xukuumadu soo rogtaa marka ay dhacaan Masiibooyin dabiici ah,nabad gelyo darro soo wajahda shicibka,ama iska horimaadyo hubaysan,dhawaaqa noocan ahi wuxu digniin u yahay inay shacbigu joojiyaan oo ay bedelaan habkaa ay ku nool yihiin,waxayna hayadaha xukumadda u fasaxaysaa inay shaqada loo baahanyahay ka qabtaan,ee Gurmadka ah,ama Nabadgelyo darro soo noq-noqotay ah illaa iyo inta ay arrimuhu caadi ku soo noqonayaan.


Way jiraan xukuumadaha qaarkood oo mar marsiiyo uga dhigta si loo lumiyo xuquuq shacbigu lahaa oo uu dastuurka waddanku damaanad qaaday,xukuumadahaas waxay u badanyihiin nooca Boqortooyoyinka,kali taliska ah ee maaha xukuumadaha la soo doorto ee democracy ah sida Xukuumadda Somaliland oo kale.


Dasturka Somaliland qodobkiisa 92aad ayaa qeexaya in madaxweynuhu ku dhawaaqi karo Xaalad deg deg ah,waxana ansixin doona labada gole Qaran,sadex bilood ka dib ayaana dib u eegis lagu samayn karaa.


Marka la eego shuruucda caalamiga ah,xuquuqda iyo xorriyaadka qaarkood ayaa la hakin karaa marka lagu jiro xaaladda deg degga ah,hase ahaatee waxa jira xuquuqo lama taabtaan ah oo aan iyaga halkooda loo dhaafi Karin sida ku liistaysan ICCPR "International Covenanta on Civil and political Rights” heshiiska caalamiga ah ee UN soona baxay qaraarka 2200(XXI) la ansixiyay 1966kii lana dhaqan geliyay 1976 wuxu qeexayaa xaalad kasta oo deg deg ah oo lagu jiro inay jiraan xorriyaad lama taabtaan ah waxa ka mid ah "xaqqa nolosha,xaqqa diinta,xuquuqda hadalka,xuquqda shirarka,xuquuqda doorashada,iyo xuquuqda garsoor caddaalad ah”


Haddaynu u soo noqonno gobolka sanaag,iyadoo aan xuquuqda iyo xorriyaadka lama taabtaanka ah ee dadka reer Somaliland aan waxba loo dhimayn,waxan odhan karnaa dadka gobolka ku nool ayay dan u tahay in xaalad deg deg ah lagu soo rogo,iyadoo laga wada dheregsanyahay xaaladda gobolka iyo arrimaha soo noq noqonaya ee iyagu naftoodu ay isku xad gudbayaan,xuquuqdii ilahay qofka siiyay ee ahayd inaan dhiigiisa la daadin ay qubayaan,sidaas darteed way u baahantahay gacan dowladnimo oo caadi ku soo celisa nolosha dadka,waxa jira dad badan oo xaqoodii ay lahaayeen ku waayay oo u bahan gacan dowladnimo.


Qodob kale oo xusid mudan ayaa ah,iyadoo dadbadani sas ka qabaan Xaalad deg deg ah,ama xukun military oo ay dad badani xusuusanayaan tii Kacaankii Oktoobar kula wareegay wadankii la isku odhan jiray Somalia,waxayna xusuusanayan tallaabooyinkii ay qaadi jirtay xukuumaddas wakhtigaas ama luqaddii ay adeegsan jirtay ee ay ka mid ahaayeen,Xukun deg deg ah, La wareegid hanti,dil iyo dacas,tallaabo military,Bandoo,IWM


Waxa u bahan in la kala fahmo Xukuumaduhu waxyabaha qaarkood inta badan waa iskaga mid,wax badan oo lagu kala tagsanyahayna way jiraan,tusaale ahaan Nabadgelyada inay xukuumaddu soo celiso iyadaa ka masuul ah wax kasta oo ay ku qaadatoba,lkn taas macneheedu maaha dadka ayaa lagu xad gudbayaa oo xuquuqdooda la luminayaa,wax badan oo in la isla fahmo u baahan ayaa jira.


Qof danbi galay,ama looga shakiyay waa la xidhi karaa iyadoo xaqiisa la dhowrayo haddii lagu waayo waa la sii dayn karaa arrintani maaha wax u gaar ahayd xukuumaddii Siyaad barre ee waa wax laga Simanyahay, maaha in dadku u fahmaan xukuumadii Siyad barre ayun baa dadka xidhi jirtay ee maxaa qofkaas hebel loo xidhay,wuxuuse qofku xaq u leeyahay qofku in uu helo garsoor caddaalad ah.


Wa billahi towfiiq

Rashiid odowaa M.A DIPLOMACY AND IR

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...