Fursadaha Shiinaha Iyo Mooganaanta Somaaliya

0
Saturday May 04, 2019 - 09:16:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fursadaha Shiinaha Iyo Mooganaanta Somaaliya

    Aduunku maanta isbedelka bayacmushtariga ee shiinahu wado waxay ku keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aduunku maanta isbedelka bayacmushtariga ee shiinahu wado waxay ku keentay

caalamka gaar haan dalka marykanka iyo yurub. warwar aad u wayn oo ku yimid ` maalgalintii ay ku samayn jireen afrika iyo aasiyaba , waxayna si aad iyo aad isku dayeen in ay is hortaagaan



Madaxwaynaha shiinaha oo 25 bishan tagay dalka talyaaniga si dowladadalka talyaaniga ula saxexdo heshiisyo maalgalineed ayaaqaaradii yurub ku beeray walaac ,kadib markii raysal wasaaraha talyaaniguaqbalay soo bandhiga shiinaha (investment )


Laakii dariiqa cusub ee shiinahu bilabay waxa uu ku qotomaa horumarinta mashaariic ( infrastructure) iyo gaadhsiinta badecadha shiinha suuqyada caalamaka , kuwaas oo ay ka mid yahiin dhisida jidad tareen oo casriya iyo dekado casriya, iyo horumarinta magaalooyina iyo maalgalin ay sameeyaa ,bangiyada shiinahu,


Si kastaba ha ahaatee Dowladahii gumaystayaashu waxay si aad ah uga walaaceen korodhka daynta ee shiinhanahu siinayo qaarada afrika, kuwaas oo ka fuliyey shiinahu ,yugaadha oo uu ka dhisay jid tareen oo dhererkiisu gaadhayo 50km iyo madaarka dowligaa , oo lagu dhisay maaligalin shiiinaha,


Tansaaniya magaalo xeebeed loo rogay dekad ,taas oo noqotaydakada ugu wayn qaarada afrika .yurub laftirkeed 51% waxukasbaday maamulada dekada (birusiya ) ee caasimada dalka giriiga, sanadkii 2016kii ,kadib markii ay giriiga la soo deristay xaala dhaqaale xumo, laakiin talyaaniga oo kamid ah dowladaha dhaqaale ahaan hore umaray ka mid ah dalalka G7 waxa uu doorbiday in uu ka faaiidaysto maalgalinta shiinahu u soo bandhigay, iyadoo doonaysa inay kaga faaiidaysato dhinaca kaabayaasha dhaqaalha,


Soo jeedinta shiinha ee talyaaniga oo ujeedada ugu wayni tahay dariiq cusub oo uu doonayo in uu ka helo bada yurub, wasiirka baayacmushtariga iyo maalgalinta ee talyaaniga oo arinkan ka hadaly baa yidhi " waa faaiido u soo hoyatay shirkadahayaga in ay helaan maalgalinta shisheeyaha”


Khabiir u dhashay ingriiska oo macalin ka jaamacada oxford , yaa yidhi " dalabka talyaaniga ee maalgalinta shiinahu wax macquula ma ah, laakiin dariiqan waxa uu muhiim u yhay shiinaha” laakiin arinkan wax uu khatar iyo fajaciso ku yahay midowga yurub iyo yurub,


Shii be jiin oo joogay talyaaniga khamiistii hore waxa uu ku tilmaamay arinkan mid saaxiibtinimo oo u dhaxaysa labada dal ee shiinha iyo talyaaniga, maqaal ay qortay jariirad ka soo baxda talyaanigana waxay arinkan ku tilmaantay deequtimid talyaaniga si hoteelada iyo cuntooyinka taltaaniga u bartaan dhalinyarada shiinahu,


Gabogabdii


Dariiqii hore ee furay shiinahu ee la odhan jiray dariiq al-xariire waxaa ka faaiidaystay djabuuty oo shiinahu ka dhisay dekad suuq ah oo isku xidhaysa afrika iyo alaabooyinkii shiinha, halka Barbara iyo boosaaso heshiis been ah oo laga hor joogsanyo. maalgalinta shiinahalaga galay oo ilaa hada wax rajo ah lahayn.


Dariiqan cusub oo maalgalineed oo ay ku baxayso lacag aad iyo aad u badani waxaa loo baahan yahay in dowlada somaliyeed iyo madaxwayne farmaajo dekadaha somaliyeed ha uga faaiideeyo maalgalinta shiinha, oo dekadahan loo xidhay imaaraadkaee gumaysiga cusub u adeegaya ha la hore tago,


By: khadar adam aw muuse

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...