Ciqaabtii Heestii Guulwadow Siyaad

0
Thursday March 04, 2021 - 10:03:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciqaabtii Heestii Guulwadow Siyaad

    W/Q: Ali Ahmed H. Ali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ali Ahmed H. Ali

Waqtigu waa sannad dugsiyeedkii 1974 – 1975, Goobtuna waxay ahayd dugsigii dhex ee Axmed Gurey oo waqtigan xaadirka ah laga dhigay Hoose/dhexe kuna yaalla magaalada Hargeysa degmada Axmed Dhagax , Haddaan sii waadixiyo goobta ciqaabtu ka dhacday waa halka sawirka ka muuqata ee ay ardaydu fadh fadhiyaan halkaas oo ahayd barxad ama banaan laami oo kale ah laakiin daamurku ku yar yahay oo dhagaxii ama jaygii ka soo jeed jeedo oo aan kabo la’aan lagu dul mari karin, fasalkayaguna wuxuu ahaa ka sawirka ka muuqda isna ee labada arday hor taagan yihiin ee 3A ku dul qoran yahay, waxaanu ahayn markaa fasalka 7J oo intaan afsomaliga la qorin ahaan lahaa 7C.

 

Waxaanu nahay arday da’doodu u dhexeyso 14 – 16 jir, iskuguna jira arday markii hore ka soo kala baxday dugisyadii hoose ee Janaraal Daa’uud, Gudhac dheer iyo dugsiga New Hargeysa ama Riis loo yaqaanay, kuwaas oo muddo labo sanno ah ku jiray jahawareer tacliimeed ka dib markaanu noqonay nasiib darro ardaydii ugu horaysay ee  wax walba in afsoomaali ku qaataan lagu billaabay, taas oo dhalisay in arday badan ka dareeraan waxbarashadii iyaga oo u aanaynayey in af soomali waxba soo kordhinayn laakiin aniga iyo kuwo badan oo ila mid ahi waanu iska xijisanay.

 

Hadaba iyada oo ay xaaladu sidaa tahay kacaankiina markaa qiyaastii shan jirsaday oo uu dhibi lisanaayo, dadkana guud ahaan baqasho ag taallo ayaa waxa jiray dugsiga in aroortii fasalba mar lahaa idaacadda ama hadalka iyo maaweelada daabuurka (safka) subaxdii. Idaacadaas oo ay ku jirtay lama huraana ay ahayd heesta Guul Wadow Siyaad, oo aan weliba u malaynaayo in sida faataxada lagu furi jiray daabuurka iyo calan saarka.

 

Xaal markuu sidaa yahay ayaanu fasal ahaan goosanay inaanu heestaa sidii la rabay u qaadin oo iska  guuxno wax u eegna heestiina jiid jiidno maalinta soo socota ee aanu leenahay idaacada daabuurka. Sidii aanu isku raacnay ayaanu sameynay maalintii aanu daabuurka u lahayn. Maxaase Dhacay?

 

Dugsi ahaan macallimiin iyo maamuleba waxay isku raaceen inayna ciqaabaan iyaga oo iyana kacaanka ka baqaaya isla markaana arrinkana ay dawladda u gudbiyaan.

 

Tii baa dhacday wiilashii surwaalada laabta ayaa la yidhi habla oo shaadhadh gacmo dheer xidhnaa iyana laabta ayaa la yidhi, goobtii jayga iyo dhagaxa lahayd ayaa lana yidhi gurguurta oo xusulada ama suxulada iyo jilbo qaawan ku socda hal wareeg markaad soo wareegtana ilaa 5 – 7 macallin ayaa midba dhenged kugu dhufanayaa kulul haddana halkii ayaad gurguuradka ka billaabaysaa. Maalintii halkay ardayda kale wax ka dhiganayeen ama fasalka iska fadhiyeen annaga ciqaab ayey noo ahayd, markii dambena waxaa noo yimid dawladdii siiba NSS tii ama sirdoonkii oo naftu isku kaayo keentay iyaga oo hanjabaad iyo waraysi iyo inay nakala xadaan u yimid si ay u ogaadaan cidda naga dambeysa ee arrinku ka yimid, waxayna nagu yidhaahdeen waxaad sameyseen SHOOBARO oo yacnihii ah malaha eray talyaani ah oo nagu cusbaa laakiin u fahnay Mudaharaad, Rabshad iyo Amardiido wax la mid ah. Laakiin wax ay noo la hadheen may jirin qaarayana dugsigii waa laga eryey.

 

Dhacdadaas waxaan u malaynayaa inta ogaalkay inay ahayd kacdoonkii iyo amar diidkii ugu horeeyey ee lagaga hortago taliskii markaa jiray looguna sheegaayey in keli talis soconayn, taas oo annaga oo ubad yaryar a ciqaab ku mudanay.

 

--

W/Q: Ali Ahmed H. Ali

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...