Fayadhowrka Biyaha

0
Saturday May 04, 2019 - 08:53:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fayadhowrka Biyaha

    Dhaqaalaha ganacsiga waxsoosaarka maalgashiga warshadaha dalka jsl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqaalaha ganacsiga waxsoosaarka maalgashiga warshadaha dalka jsl waa in la kobciya  la dhiiri galiyaa si wasoosarka ganacsigeenu uu ugu baaho aduun waynaha xidhiidh ganacsna i aynu ula yeelanaa Biyahu waa noolasha 1aad ee aynu ku noolahay  waqti kasta waa waajib in aynu helo biyo  fayadhawrkooda la soo diyaariyey Warshadaha dalka iyo maalgashigoodu waxa uu horseeday koboc dhaqaale shaqaale abuur iyo joojin lacagtii adkayd ee aynu u diri jiray aduunwaynaha



Jsl waa in la dhiiri galiyaa  maalgashiga ganacsiga warshadaha dalka iyo waxsoosaarkooda ganacsi  waa in laga dhimaa cashuuraha dawliga  lana siiya kab dhaqaal

Biyaha waa in xoog loo cabaa gaar ahaan waqtiga subaxdii  1 litir oo biyo  nadiifa  waxa in badan ay saamayn waxtar u leeyahiin caafimaadka qaybaha jidhka

Biyahu waa furaha noolasha  bina aadamiga  biyaha marna kama maarmi karo  waxa nabigeeni inoo sheegay in shay kastoo nool ka samaysan yahay biyo

 Xidhiidhka wayn ee aadamahu la leeyahay biyaha  ayaan manta qormadeena kaga hadlaynaa

Waxa  aadamuhu dhamaan isku raaceen in  caafimaadka biyaha qodobka ugu horeeya uu yahay in biyaha la cabaya ay nadiif noqdaan 97% sababta oo ah sida lagu helo ayaa adag

 Biyo intaas ka tayo fiican  qodobka labaad ee soo raaca waa in ay dheeli tiraadan macdanaha biyaha ku jira ee ay ka kooban yahiin  oo runtii aad u qaaliya una fiican caafimaadka iyo difaaca qaybaha jidhka aadamaha

Ogow waxa ugu qaalisan biyaha roobka iyo heerka nadaafada ee ay soo maraan sida diintenu sheegtay

 Intaanay biyaahasi dhulka taaban  sii toos ah marka uga yimaadan cirka  waxay waxtar badan oo ay   ka daawo yihiin caafimad qabka aadamiga

Waxa  loo baahan yahay in aynu had iyo goor ka shaqayno  nadaafada biyaheena iyo weelasha wadooyinka ay soo maraan oo aynu ka shaqayno waxa wax tar badan ka yahiin fayaqabka bulshadeena

 Sida kormeer iyo u kurgal ay ku sameeyen dad isku hawla arimaha biyaha waxay ka diyaariyeen halka manta ay marayso nadaafada biyaha biyaha laga cabo dhijaamaha baliyada qulqulka fog  ceelasha ee ay ka yimaadan biyaha roobku marka aad u sii fiirsato aad fahmi karto  fiditaanka magaaloyinka  iyo qashinka ku baahay miyi iyo magaalo  uu calaamad u yahay  sida dhibta yare e daadku u qaadi karo ee uu qaadhsin karo meel fog

Dadka reermiyaga marka aad ka waraysato arimaha biyaha waxay ku sheegayaan  marka ay dhoobo qaadayan  baliyadooda ay ku arkaan qashin iyo wasakh soo raaca oo aanay garanayn madaama ay ku nool yahiin miyi fog  halka qashinkan magaaladu uga yimid 

Biyaha hadaan si gaara loo ilaalin waxyaabaha fadarayn kara ee sida weelka kaydinta iyo jirikamada aynu ku shumano biyaha  oo aan si fiican loo ilaalin nadaafadeena waa waxyaaba uu shubanku u layey ubadkeena maalin kasta

Sidoo kale waa in taangiyada biyaha aynu ku kaydsano iyo weelka biyaha aynu darsano si fiican loo ilaaliya had iyo goor nadaafadooda  sida furarka jirikaamada oo si fiican loo maydho

Biyaha waa in si fiican loo kariyaa ama lagu rido daawada biyaha safeeye oo si fiican u dili kara jeermiska biyaha soo raaca

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...