Hanti-dhawr La Geliyay Wasaarada Maaliyada Somaliland Iyo Sababta

0
Wednesday March 03, 2021 - 09:55:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanti-dhawr La Geliyay Wasaarada Maaliyada Somaliland Iyo Sababta

    "Maaha markii ugu horaysay ee uu xarun dawladeed la geliyo Hanti dhawr"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maaha markii ugu horaysay ee uu xarun dawladeed la geliyo Hanti dhawr"

Hargaysa (HWN)Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka JSL ayaa Baadhis ka Bilaabay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL iyo Laamaheeda.

 

Baadhistan ayaa ka kooban Saddexda Nooc Baadhiseed ee uu jideeyay Xeerka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Xr. Lr. 76/2016, oo kala ah Baadhis Maaliyadeed, Baadhis Wax Qabad iyo Baadhista Waafaqsanaanta Shuruucda,

 

Baadhistan Ayaa muddada ay socoto waxa ka qayb qaadanaya saraakiil u tababaran Nidaamka Baadhisaha Caalamiga ah, oo sannadihii u danbeeyay lagu sameeyay isbaddallo wax ku oola oo Baadhisaha Qaranka u fududaynaya in lawada gaadho dhammaan Laamaha Dawladda ee kala duwan taas oo loo hirgalin doono hab casriya oo la jaan-qaadaya Nidaamka Baadhisaha Caalamiga ah.

 

Bilihii u danbeeyay waxa Noocyadaa Baadhisuhu ka socdeen in ka badan illaa 8 meelood oo isugu jira Wasaaraddo iyo Hay’addaha Dawladda oo waafaqsan Qorshaha Sannadkan 2021 ee imika curtay oo la rabo in la gaadho inta badan Laamaha Dawladda Dhexe iyo Hoosaba.

 

Maaha markii ugu horaysay ee uu xarun dawladeed la geliyo Hanti dhawr, balse marar badan oo xarumo dawladeed la geliyay hantidhawrka ayayna ka soo bixin natiijadii loobaahnaa, haddii xataa masuuliyiin lagu qabto wax isdaba marina ma dhacdo inta badan in laga qaado talaabadii ku haboonayd


Loading...
Loading...