'' Kaftanka Caawa , Sadexda Oday Midiba Hal Tallo Hala Iiga Geeyo ''.

0
Saturday May 04, 2019 - 08:40:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Kaftanka Caawa , Sadexda Oday Midiba Hal Tallo Hala Iiga Geeyo ''.

    Odayga muuse hal hala iiga geeyo oo hala yidhaahdo ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Odayga muuse hal hala iiga geeyo oo hala yidhaahdo , Madaxwayne intii aad rag iska dhicin lahayd waad iska dhicisay , intii aad rag iska celin karaysayna waad iska celisaye maanta dhulka dhig oo in laggaa badsado iyo in lagaa adkaadaba ogolow ilayn adigaa odaynimada soo doontaye .


Odayga Cirrona hal hala iiga geeyo oo halaggu yidhaahdo , Intii aad is dhawri karaysay waad is dhawrtay intii aad is dhuubi karaysayna waad is dhuubtay , maanta in aad tahay Musharax mar dhacay oo rogaal celin ku jirra laabta usii daa oo siddii nin geeliisu cararay guntiga labada law gayso , ilayn fadhiba kuuma yaalee .



Odayga Faysala hal hala iiga gaadhsiiyo oo , halagu yidhaahdo , intii aad is sharixi karaysay waad is sharaxday intii aad ordi karaysay na waad oroday , intii aad odhan karaysay waad tidhiye , maanta si kale u dhigoo , kolaad Qodax soo sharaxadna cid kale ku eeg .



W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...