Ciidanka Qaranka SL oo Kabo La'aan Ka Joogo, Miisaaniyad $100 Malyuun ah ( Q. 2aad Abdi-Shotaly).

0
Tuesday March 02, 2021 - 10:12:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Ciidanka Qaranka SL oo Kabo La'aan Ka Joogo, Miisaaniyad $100 Malyuun ah ( Q. 2aad Abdi-Shotaly).

    * N.B Dulmi Daar Ma Dhiso, In Uu Dumiyo Mooyaane!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Dulmi Daar Ma Dhiso, In Uu Dumiyo Mooyaane!

Waxa soo deristey, xaalad uu ciidanku ku dumi karo, iyadoo siddii loo dhisay hore-ba ay aheyd mid xoog loogu yeelayo deegaano khaas ah.



wadda Tashi badan ka dib oo ay yeesheen labadda askari ee " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Taliye ku sheegga Ciidanka beelaysan ee Taani" kuwaas oo ay hor-mood ka yihiin " Kooxdda Heego oo uu u madaxa u yahay wiilka uu dhalay askariga dhegaha go'ani waa ka " Xaafad-tooyadda" ka badhaaciyee" Waxey ku gunaana-deen awooddii beelays-nayd in cidda keliya ee God-daloolooyinkaa gufeyn kartaa" Ay tahey is-waydaarinta Beesha Garxajjis iyo H. Jeclo. Ilayn waa dhankii lagu yaqaanay " Raggii ma adigaa ka hadhay" Ee ahaa beelaha colaysii, oo markaad isku dirto, ee ay kala irdhoobaan, dabeed xukunka waad sii adkaysan kartaa. 70% askarta iyo madax-duna waa isaga, Heego iyo inta ku xeeran, si aanay u wiiqmin awoodihii siyaasadeed iyo militari ee ay sameysteen.  Durta-ba waxa bilaabmatey beer la xawsi hor leh iyo magacaabid jagooyin culculus oo aan la fileyn oo Garxajis askarigu kula dul dhacey. Waxa bilaabmatey shirar lala yeeshey beesha Garxajis oo daarnaa, in ay ciidanka galaan, maamul-kiisana gacanta ay ku dhigaan, ninkii loo soo bandhigey in uu Nuux Taani bedelo, isna waa ka cudur-daartey oo wuu diiday" kaas oo ahaa " Muhaahid Ahmed Mire" Sarkaal-kaas oo sheegey in ciidanku maanta aanu joogin meel wax lagaga qaban karo, oo musuq, qabyaalad iyo eex naafeysay.

 

Waxa xusid mudan in culeysyo badani soo waajaheen maamulka SL oo mandaqada ku soo kordhey, oo intuba iyagoo isbarkan keenayaan khatar iyo mahlikad militari, SL ku khasabtay iney ka gaashaamato.  Tusaale ahaan, ciidamada hadda "Dani-ga Garoowe" ka qayliyey ee Farmaajo uga imanaya  Turkey, Qatar iyo Eriteria oo wata saanad casri ah oo (3rd generation military equipment) oo u dhigma kuwa dawladaha Ethiopia, Kenya, una dheertey diyaaradaha is-wadda (drones), dagaal ka Iman karo.


Abuuri karana qulqula-tooyin dagaal oo ka curta dhaamka weyn ee Ethiopia (Renaissance Dam) Iyo gaaf-wareega sir-doonka militari ee Masar oo marar kala duwan yimaadda Hargeysa, oo madaxda iyo war-baahinta Masar-ba ay si cad u qirteen, in SL tahey goobaha " Kamaan-doosta Masaaridu" ka galayso Ogaden Region (waa siday hadalka u dhigeene). Diyaarada-hooduna ay Berbera isticmaali doonaan, taas oo Abey Axmed indha kulul ku eegaayo, ka dib markii xogo sir ah sheegeen Maxamed Jawhar siyaasiga Ethiopia ku xidhan, oo daarnaa in ciidamo hubeysan oo  Oromo ah ay Masar, dhanka SL ka soo galisey (African Inteligence) cadadkii December oo ku beegnaa  19/12/2020.  Dhacdooyin-kani waxey dhaliyeen in SL gabi ahaan-ba weyday rasaastii ay ka heli jirtey Ethiopia iyo intii Yemen laga soo tahriibin jirey.

 

Arin-kani wuxu kalifey  in si dhoobo eri ah miisaaniyadii 2021 Wakiilada loo mariyey, halkaas oo ay 27 xubnood oo kaliya ansixiyeen, halka golaha ay ku sugnaayeen 40 xildhibaan.  Yeelka-deede, mudooyinkii ugu dambeeyey waxa iyana Hargeysa soo gaadhaayey, khubaro Ruush ah oo dawaladda Imaraadku rabto in ay ka caawiyaan sidii hub loo gaadhsiin lahaa maleeshi-yaadka Cadan u jooga ee uu hogaamiye Caydaruus Zubaidi. Koox-dani maaha dawladda Ruushka ee waa maafiyadda ka dagaalanta Libiya loona  yaqaan "Wagner Group".

 

Dhawaan ayuu " Raggii ma adigaa ka hadhay" Uu u baxayaa "Dalka  Ruushka" Si uu heshiis ula galo maafiyadan, siddii saanad ciidan loogu heli lahaa ciidanka SL, taas oo laga arkaayo ciidanka in ay gabaabsi rasaaseed ay la soo deristey.  Ugu dambeyntii, waxa soo if-baxdey in meesha ay ka baxdo, asturaaddii iyo qarintii wax la danba-besi jirey, ee la caadeystey in ciddii ciidanka ka hadasha miisaaniya-diisa iyo halkay marto-ba la xidho, ama laga xayuubiyo xilka uu hayo haday jirto-ba, Laakiin hadda la moodo mid loo kala baratamayo, fadeexadaha ku gadaaman. Tani waxey soo dedejin kartaa, in ay SL noqoto goob ay ku hirdamaan quwado dano kala duwan lihi, kuwaas oo kala ah:-

Egypt vs Ethiopia,

 Emirates vs Turkey,

 Farmaajo vs Jabuuti.

Taas oo ugu dambeyn iyana dhali karta, laba mid kood:-

(a) In la waayo ciidan kaafiya dalka, oo ay awoodu ku ururto Berbera ilaa Wajaale oo beel ahaan loo hagar bixi karo.


(b) Iyo in ciidamadu u xuub-siibtaan kooxo adeeg siiya saaxiibada SL ee is-diidan, xogaha hadda soo baxayaana ay xooji-neyso, in ciidamadda 24 Doolar  ama 200 kun oo SL Shiling ah, loogu darey musharkooda.  Xikmad Carbeed baa waxay tidhaahaa " Kalaamal jaahil Ka Dubural Ximaar" Oo micna-heedu yahay ( Hadalka jaahilku waa futo dameer" Murtida laga dheeha-nayaa waxay tahey in ciidanku yahey shaqaale caadi ah, ee aanu aheyn mid qadyad uu aaminsanyey difaacaaya iyo in la qabyaaladeeyo kacdoonka ciidanka, laguna oogo saraakiisha dhaawaca ah ama xidhan, ee ay heybta wadaagaan madax-weyne Ahmed Siilaanyo,  oo guudka laga saaro kiiska kacdoonka Ciidanka, Waase kiis iska waal iyo dhaqan xumiddii lagu yaqaanay Askariga saalax-wareersan iyo cadadiisii uu meel aan loo fadhyin ka fad-kudin jirey, si uu jaho wareer ugu rido ummadda, kursi-gana ku sii durug-sado uun mooyaane.


* N.B Dulmi Daar Ma Dhiso, In Uu Dumiyo Mooyaane!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...