Dhibaatada Mareegaha Bulshada Q-1aad.

0
Monday March 01, 2021 - 10:21:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibaatada Mareegaha Bulshada Q-1aad.

    ( Cabdiraxmaan Fadli Aussie Land ).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

( Cabdiraxmaan Fadli Aussie Land ).

Muddo ku siman dhmmaadkii qarnigii 20aad iyo rubuc-horaadka qarniga 21aad  waxaa soo batey  oo weliba TADDAWUR   dheereynaya ku socday   Isgaadhsiinta  weliba  qaybteeda loo yaqaan  Social Mediaha   si kalena noqonaya  afkeenna Mareegaha  Bulshada macnaha ugu munaasibsan.



 Haddii dagaalkii labaad iyo kii koowaad uu telefoonku lahaa xadhig la wareejiyo iyo masaafo gaaban oo uu hir-baaciisu gaadho (FREQUENCY)-giisu maanta wuxuu marayaa isagoo telefoonkaaga gacanta adigoo ku hadlayaa aad adduunka maqal iyo muuqaal kagala xidhiidhi karto, oo weliba GPS   aad ku raadsan karto goobta aad doonto.


ISgaadhsiinta horumarka sameysay saamiyo isleeg oo intifaacsi kagamay wada faa-iideysan bulshooyinka caalamku si kalena weel isku cabbir ah laguma miisan horumarkaas waayo?,


Qaar badan oo ka mid ah waddamada aan ka gudbin  xarriiqda dib u dhacsanaanta (Developing countries) ugamay faa-iideysan sida kuwa horumarey ee (Developed countries).


Isgaadhsiinta (information Technology) horumarkeedu wuxuu saameeyey waxbarasha caalamiga ah, horumarinta dhaqaalaha, amaanka caalamka iyo jaanibyada nolosha meel kastaba.


Waxaa aan xusi karnaa  Saameynta mareegaha bulshadu ku leeyihiin maanta dhammaan dhulalka soomaalidu degto, taasoo dhibta ay abuuraan ka badan tahay faaiidada ay keenaan.


Haddaan tusaale usoo qaadanno mareegta FACEBOOK waxaa ku taxan mujtamac  aan yareyn oo shanta soomaaliyeedba ku jiraan, waxaa jira dad badan oo ka dhex faafiya aflagaaddo, isku dir, qabyaalad, nacayb reer iyo nacayb shakhsi ah intaba fidiya.


Markeynu si academic ah uga hadalno sida aad ka akhrisan karto research faro-badan oo laga sameeyey in mareegaha bulshada qof six un u isticmaala ay ku sababto.


1. Qabatin- ama addiction oo u uku welfo qofku isagoo ay caado u noqoto inuu kombiyuutarka  ama Telefoonka gacantiisa mar walba mashquul ku noqdo.


Wuxuu kaloo ku welfaa inuu qof kasta oo meel kasoo hadla doono inuu u jawaabo….

Lao soco…


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...