Digo Ninaan Cagaha Gelini, Daba Muu Ku Gubanine, Mayna Daba Socdaan Weli.

0
Monday March 01, 2021 - 10:11:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digo Ninaan Cagaha Gelini, Daba Muu Ku Gubanine, Mayna Daba Socdaan Weli.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh [Daljir]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh [Daljir]

BISMILAAHI ALRXMAAN ALRAXIIM,[A.S.C.W.R.W.B],

 TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-DIGO NIMAAN CAGAHA GELIN,DABA MUU KU GUBANINE,

   DACWADII MA MAQASHEEN,BUUBAA U DIRAY XAMAR,

   DIBU NOQSHADIISIYO,SIDAN U DOONAYU RABO,

   DAREENAYO KU GARANAYE,DUULOO AAYAR NAGA DHOOF.

 

2-DUQU MAANTA SHEEKEEYE,DALABNA WUU INOO WADAY,

    DA’YARTU U JEEDAAYE,UMMADAN YAANU KALA DIDINE,

    DEGDEG HAYNA DHAAFO,KUWII DOORKAN SOO GALAY,

    DAAHIRI MAAYO DOOFAARE,DIB U BAADHA IDILKOOD.

 

3-DADKU HAYS WARAYSTEEN,MA DARIIQ WADANIBA,

    DABINUU MALEEGIYO,DAN U GAAR AH INAY TAHAY,

    DAADBAA U SOO GALAY,XISBIGU HAYS DIFAACAAN,

    DEGDEG HA U JAWAABAAN,SHAKIBA DUL SAARANE.

 

4-DUQDAA LOO TUMAA GEELA,DARKA HADDUU KA MAAGE,

    DOORASHAYNU GELAYNAAYE,DEGENAAN KU BAANDHEE,

    DEEGAAN YEELKADIISEE,DOORKAN GOLAHA WAKIILADA,

    DANTA MIDNIMO KA FIIRSADA.HA KU QAADAN DUDUUB.

                     ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH  [DALJIR]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...