Shahaadadii Foojariga Ahayd Iyo Gudoomiyihii Baanka Ee Indhaha-Fiiqnaa !

0
Monday March 01, 2021 - 09:48:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1049
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shahaadadii Foojariga Ahayd Iyo Gudoomiyihii Baanka Ee Indhaha-Fiiqnaa !

    W/Q: Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Taleefano aan kala joogsi lahayn ayaa iiga iman jiray Aabihii iyo Hooyadii, waxaanay marar kala duwan iigu yimaadeen in aan shaqo siiyo ama shaqo la doonto wiilkooda oo qiyaas ahaan ay da'diisu ahayd ilaa 19 jir, isaga qudhiisu Wasaarada aan joogay kolba wuu iman jiray isaga oo shaqo doon ah. Nasiib darro xiligaas oo ahayd bilowgii 2017 shaqaalihii dawlada ee la qaadanayay waa la hakiyay duruufo abaareed iyo doorashooyinkii darteed.



Dhowr meelood oo kala duwan ayaan la raadiyay, nasiib darro may suurto gelin, markii danbe waxaan kula taliyay inuu waxbarashada sii wato, wax yar oo mushaharka shaqaalaha la mid ahna aanu siino, taas oo nin aanu aad u saaxiib nahay oo ganacsade uu kafaalo qaatay markii aan xaalka uga warramay.  Nasiib darro wiilkii wuxuu yidhi shaqo dawladeed ayaan rabaa hadii kale waan tahriibayaa.


Subaxdii danbe ayuu yarkii ii yimi isaga oo Aabihii la socda, waxaanay igu yidhaahdeen Baanka dhexe ayay fursado shaqo ka jiraane fadlan nagula quuso oo noo raac  Gudoomiyaha Baanka oo  shaqo noo weydii, aniga oo tixgelinaya culayska Aabaha haystay waxaan usoo raacay xaruntii Baankii Dhexe.


Waxaan xafiiskiisa kula kulmay Guddoomiyahii Baanka dhexe ee Somaliland ee xiligaas oo ahaa  Maxamed Cabdi Ibraahim Dhoobaale, waxaanan si qoto dheer ugu sharraxay dhibaatada iyo duruufta haysatay qoyskaas, waxaanan si naxariis leh uga codsaday in uu Wiilkaas dhalinyarada ah shaqo siiyo.


Farxad weyn ayay noo noqotay markii uu Gudoomiyuhu naga ogolaaday in uu Wiilkaas shaqo siin doono, lana tababari doono haddii uu Shahaado sax ah oo Dugsiga sare ah uu haysto, waxaana uu si adag u weydiiyay inuu dugsiga sare dhameeyay oo shahaado uu haysto.  Waxa uu wiilkii ku adkaystay inuu Dugsiga sare dhameeyay Shahaado sax ahna uu haysto. Berri subaxna uu shahaadada xafiiska keeni doono.


Waxa aad ii yaab geliyay sida uu Gudoomiyaha Baanku Carrabka  ugu adkaynayo Shahaado dugsi sare oo sax ah inuu haysto hadii kale aanuu shaqo u haynin. Subaxdiiba kii yaraa shahaado dugsi sare ah ayuu u geeyay gudoomiyhii Baanka.


Guddoomiyihii wuxuu inankii u sheegay in shahaadada uu baadhisku samayn doono oo Wasaarada Waxbarashada loo diri doono, hadii ay sax noqotana uu shaqo siin doono, hadii kalena aanuu shaqo heli doonin waliba sharciga la marin doono.


Laba Usbuuc ka dib waxaa Taleefan ii soo diray Gudoomiyihii Baanka, waxaanuu igu yidhi Shahaadadii dugsiga sare ee Wiilku sitay waxay noqotay Shahaado Foojari ah oo aan sax ahayn,  sidaas daraadeedna wax shaqo ah aanuu siinayn wiilkii dhalinyarada ahaa, booliskana uu la socodsiin doono Foojariga uu ku kacay.


Run ahaan aad iyo aad ayay ii soo jiidatay talaabada baadhista shahaadada ee Gudoomiyuhu sameeyay iyo sida Wasaarada Waxbarashadu  baadhista u samaysay ee uu nidaamkeena waxbarashadu u keydsan yahay ee aan la macmali karin.


Waxaan u markhaati furayaa Daauud Gadhweynaha Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland oo dhawaan sheegay inaan lagula soo lug go'in Shahaadooyin macmal ah, waxaanan leeyahay Nidaamka Dawladnimo ee Somaliland ka jiraa waa mid aad uga qoto dheer sida ay dad badani u haystaan.


La soco arrin kale oo mucjiso ah oo aan kala kulmay Laanta Socdaalka Somaliland .....

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Bristol. UK


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...