Ciidanka Qaranka SL oo Kabo La'aan Ka Joogo, Miisaaniyad $100 Malyuun ah ( Q.1aad Abdi-Shotaly)

0
Monday March 01, 2021 - 09:39:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ciidanka Qaranka SL oo Kabo La'aan Ka Joogo, Miisaaniyad $100 Malyuun ah ( Q.1aad Abdi-Shotaly)

    Xaaladda ku gadaaman gadoodka ciidanka SL ee jooga goboladda Bariga, oo ah 70% ciidanka SL.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda ku gadaaman gadoodka ciidanka SL ee jooga goboladda Bariga, oo ah 70% ciidanka SL.

Ciidanka oo  ay liciifisay daneysi lagu lunsado 55% miisaaniyada guud ee xukuumada SL, iyadoo la siyaasadeeyey oo awoodiisa gacanta loo galiyey beesha Sacad Muuse, oo ay beeshaasi kasokow, hadana safka Labaad ee saraakiisha ciidanka ee darajada Gaashaanle sare, 50% waxey ka soo jeedaan beesha S. Muuse. 30 sarkaal ee qaatey darajada Gaashaanle Sare, 15 ka mid ahaa waxey ahaayeen S. Muuse.

 

Tani waxey keentey in hoos u dhaadhacdo awooda beeleedka Gabiley-san, oo gaadhey in dhammaan goobaha dhaqaale, hubka culus, gaadiidka gaashaaman, ay gacanta xaafadaas ugu jiraan.

 

Arinkani waxa ka dhashey sharkado dhaqaale oo qarsoon, kuwaasoo qandaraasyo joogta ah heysta  oo ilaa kudhawaaad 20 ganacsi ka sameystey oo joogto ah. Miisaaniyada ciidanka xoogeeda iyagu qaataan, sida golaha wakiilada miisaaniyada  sanadkan doodiisii miisaaniyada 2021 la  looga sheegey.

 

Budhcad dhaqaaleed-kaas waxa ka mid ah, mashruuca qiimeynta iyo tayeeynta, direyska   ciidanka(dun iyo irbad),  mashruuca dayactirka gaadiidka, mashtuuca abaabul kassarka(nabad iyo caano), mashruuca agabyada dad-ban(maryaha ciidanka, Shaaha ciidanka, timirta iyo afurada ramadaanta, wacyi galinta ciidanka, wacyi qaadista wadaniyeed ee ciidanka(heeso iyo buraanbur), kooxda heeganka baahiyaha dagaalka, sida xabaal Qodista, cunooyinka dhaawaca).

 

Markii Siilaanyo taladda qabtey ciidanka ku sugnaa Gobolada Bari ee SL waxey ahaayeen kuwo ku hawlnaa laba umuurood oo kala ah.

1) maamul fidin ay  qunyar-qunyar usocdey, dadweynaha jiidahaas degan-na ula dhaqmayeen sidii gurmad waxqabad wada, dhexna u ah.

2) in ay ka dheeraadeen dhexgalka dhaqan-dhaqaale ee dadweynaha, garsoorka qabaa'ilkana uu ahaa  mid loo simanyey, oo aan cidna u xaglin.

 

Taas oo gaadhey, in Dhulbahante loo sameeyo ciidan gooni u ah oo qaab maleeshiyaad u shaqeeya  ahna mid u  fara-dhuudhuuban xaal hoosaadkooda.

 

Halka Warsangali oo dhanka aminga ka deganaa Dhulbahante loo dhisay  ciidan maamulka ku dhafan oo deegaankiisa jooga.

 

Iyadoo markasta sirdoonka ciidanku ahaa ka xogta lagu dhaqaaqayo isagu keeni jirey,  si hufan-na  loo darso khataraha gudaha iyo kuwa ka Iman kara Somalia sida  Shabaab-ka  iyo maamulka PL, arinkan oo in badan lagaga badbaadey, moojadaha colaadeed iyo qulqulatooyinka amni darro ee ku habsadey maamuladda Somalia ka jirey .

 

Tani may Qancin tolkii ku xeernaa Siilaanyo, halkaas oo ay ka taliyeen in xaalad la abuuro kuna qotonta deegaan fidsi-na loo helo(dhulbahante iyo GX  bari) si loo qoro ciidan   cusub. Tani waxey keentey in  lagu qanciyey S. Muuse in ay ciidan keenaan kaasoo qaranka difaaca, noqdana ka marka dambe taladda ay  ku gaadhi doonaan. (Sida dhacdey 2017)

 

Waxa hodanti  ah, in beeraley badan Gabiley laga qorey Laguna soo xero gashey, mashruucii darajo bixinta.

 

Sidoo kale HJ waxey bilowdey sidii xeedhada looga qeyb galin lahaa, dadkii Silaanyo la daba joogey lacagta, halkaas oo dad tira badan lagu shaaqaaleeysiiyey oo ka baxsan diiwaanka dawlada pay-roll ka.

 

Waayo? Dadkan kumanaanka ahaa, waxa loo qorey mushaharo heer Yurub ah European standard  $800 ugu yaraan ilaa $3 kun. Taas oo sharci darro ah oo xxeerka  shaqaalaha ka baxsan,  qarankuna aanu xamili karin.

 

Hadaba markii Muuse yimid waxa uu dagaal ka bilaabey jiida Tuka-Raq, si G. Xajis ka  mucaaradka ah ugu quus gooyo, laakiin, wey isku rogtey, markuu dagaalkii mid  riiq-dheeraada isku badaley.

 

2019 kii, waxa si xaali ah u bilaabmey,  in bilkasta ilaa boqol askari oo S. Muuse ahi iskaga yimaadaan, inta sii joogtana ku sheekeystaan hebel shaqo ayuu helay iyo halkan wuu ka reystey.

La Soco Qaybta 2aad



* N.B Kululaatay Aw Diiryaw Kaba La'aan-tiiye.

Qore-Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...