Goobjooge Ka Waramay Siday U Dhacday Qacan Qaadkii Boolisku Ugaysteen Wariye Hoodo Garays Iyo Hooyadeed

0
Sunday February 28, 2021 - 08:50:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goobjooge Ka Waramay Siday U Dhacday Qacan Qaadkii Boolisku Ugaysteen Wariye Hoodo Garays Iyo Hooyadeed

    Tixdan gaaban waxay ka turjumaysaa qaabka ciidamada boolisku ula dhaqmeen Hoodo Garays iyo Hooyadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tixdan gaaban waxay ka turjumaysaa qaabka ciidamada boolisku ula dhaqmeen Hoodo Garays iyo Hooyadeed
Tixdan gaaban waxay ka turjumaysaa qaabka ciidamada boolisku ula dhaqmeen Hoodo Garays iyo Hooyadeed oo noqotay wax hadiyo goor soo noqnoqda.




Hafar been kasheeg kama qajilo ruux lahagayaaye

Hediinaan geline kuumay tudhin hebeladaa jaane

Haaway dagaagaydin helay Huuno ciil qaba,e

Waa heego iyo caadadood Hodan Garayseeye

Hausnegeraday soo dirteen baa kusii hodaye

hoosaasiyaal bay noqdeen hebed madiiraane

habqankoodu waa soo dhowyahay Reer Ibna-hunduule

Heeryada marbaa layska rogi kuu hadoodilane

Hiilkaaga waa loo dhanyahay heer kastooy tahaye

waxba yay hilaad kuugu xidhan Shaadh hariiryalehe

Nin Haween kutaagsaday mahelo haybad iyo guule

Hooyada lajii-jiidey ee laga hakoon waayey

nin horaadkii soo jaqay sidaa uma halgaadeene

Sida Haadka adagtii mar qudha kuma haliileene

Duulkaa habdhaqankaa xun lihi Hooyo may korine

Malaa Dooxa Herer baa sitoo waa lasoo helay.


Wabilaahi Tawfiiq.


hersi osam

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...