Waa Sidee Xaaladaha Somaliland Xili Ay Doorashooyin Soo Dhow Yihiin , Xilka Madaxweynahana Uu Ka Hadhay Hal Sano Iyo Badh Kaliya
W/Q: Mohamed Abdi Jama ( Mohamed Dhimbiil)
Waxa aan qoraalkaygan ku eegayaa bal in aan sawir ka
siiyo dadkayga iyo dalka guud ahaan xaaladaha uu ku jiro iyo sida ay wax
iigu muuqdaan, xili ay doorashooyinkii wakiilada iyo deegaanku dhow
yihiin , isla markaana xilka madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo
xukuumada xisbiga kulmiye uu ka hadhsan yahay sanad iyo badh kali ahi ,
oo aanay dalka ka muuqan wax waxqabad iyo horumar ah guud ahaan.
Madaxweynaha laftiisa ayaa ka garaabay in aanay xukuumadiisu waxba
qabanin oo ay ku qaadatay mudo sadex sanadood ah in uu dhameeyo xanaftii
doorashadii madaxtooyada ee dhacday 2017 , arinkani ayaa loo fasiran
karaa macneyaal badan in uu leeyahay oo ahaa ;
1- In uu deegaanka uu ka soo jeedo oo uu la hadlayey leeyahay waxba
idiin ma hayo isaga oo laga sugayey balanqaadyo badan oo uu xiligii
kaambaynka uu sameeyey iyo qaar dadka goboladaasi filayeen .
2- In uu rabo in uu mudo kordhin sameysto oo uu u sii qiil banaysanayo
, taasi oo laga dareemayey safaradiisii u dambeeyey ee uu dalka marayey
oo u ekaa qaar kaambayn doorasho.
3- In uu rabo in uu mar labaad isku soo taago booska madaxweynaha
qaranka oo uu murashax yahay una sii quus goynayo cidii han kaga jirey
mudo xileedkiisan waxii ka dambeeya ee xisbigiisa ahayd .
Xaga dimuqaradiyada iyo doorashooyinka xukuumada uu gadhwadeenka ka
yahay madaxweyne biixi waxa ay noqotay xukuumadii ugu horeysay ee mudo
xileedkeeda labadii sano ee ugu horeeyey doorasho qaban kari wayday
marka loo eego labadii xukuumadood ee ka horeeyey intii dalku u guuray
nidaamka dimuqaradiga iyo axsaabta badan.
Mudo xileedka xukuumadani waxa ku soo beegan 4 doorasho oo la eegi doono sida ay uga baxdo oo kala ah;
1- Doorashada golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka oo la mudeeyey 31-May-2021.
2- Doorashada golaha guurtida oo hal sano ka dambayn doonta marka la
qabto doorashada golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland.
3- Tartanka ururada iyo axsaabta siyaasada oo ku beegan dhamaadka
sanadka 2022 ayna tahay in June 2022 la sameeyo gudiga diwaangalainta
ururada iyo axsaabta siyaasada.
4- Doorashada madaxtooyada oo ku beegan 13 Nov 2022 .
Xaga xuquuqal insaanka iyo xoriyatul qawlka waxa ay noqotay
xukuumadani hada talada haysaa xukuumadii ugu liidatay ee Somaliland soo
marta ee dadkeeda cabudhisa oo la daba taagan xoog iyo xadhig iyo tab
iyo xeelado warbaahintii madaxa banaanayd dhamaanteen lagu wada
fadhiisiyey taasi oo caqabad ku ah hanaanka dimuqaradiyadeed ee
jamhuuriyada Somaliland.
XAALADAHA NABADGALYO IYO XASILOONIDA SIYAASADEED EE DALKA
Guud ahaan dalka jamhuuriyada Somaliland xiligani waa mid xasiloon
xaga nabadgalyada oo aanay jirin xaalado dagaalo lagula jiro dawlado
kale iyo dagaalo beeleedyada inta badan ka dhex dhaca dadka jamhuuriyada
Somaliland .
Xaga siyaasadana dalku waa xasiloon yahay oo ma jirto murankii iyo
isqabsigii axsaabta mucaaridka ah iyo xukuumadu oo waxa heshiis lagu
yahay in dalka doorashooyin ka dhacaan kuwaasi oo sababay in dalku
siyaasiyan uu yahay mid xiligani aad u xasiloon marka aad soo eegto
taariikhda sanadihii ugu dambeeyey ee Somaliland.
XAALADAHA NOLOLEED EE DADKA SOMALILAND SIDAY YIHIIN XILIGANI?
Xiligani oo dalka jamhuuriyada Somaliland ku jiro duruufo adag ayaa
xaaladaha dalka marka aad eegto ay yihiin qaar aad u cakiran oo nolosha
dadku aanay ka soo kabanain dhaqaale daradii iyo dhibaatooyinkii ka soo
maray xanuunka Coronavirus oo saameyn xoogan ku yeeshay guud ahaan dadka
jamhuuriyada Somaliland.
Waxa kale oo jirta in xiligani ay gobolada iyo deegaanada qaar dalka
ay soo waajaheen biyo yaraani oo jiilaalkii dheeraaday , oo la galay
biyo dhaamis iyo gurmad taasi oo aanay xukuumada jamhuuriyada Somaliland
haba yaraatee wax dedaal ah oo ay wadaa aanu muuqan.
Mohamed Abdi Jama ( Mohamed Dhimbiil)
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...