Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Gadood Ay Sameeyeen Ciidanka Qaranka Somaliland

0
Saturday February 27, 2021 - 16:50:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Gadood Ay Sameeyeen Ciidanka Qaranka Somaliland

    "waxa waajib u weyni saaran yahay Taliyaha guud ee ciidanka qaranka Muuse Biixi Cabdi"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxa waajib u weyni saaran yahay Taliyaha guud ee ciidanka qaranka Muuse Biixi Cabdi"

Hargaysa (HWN) Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme oo ka hadlay gadood ay sameeyeen ciidanka Qaranka Somaliland ayaa sheegay inay ciidanku ku shaqeeyaan duruuf adag, musharhar yaraan, hadddii aan gadoodkooga wax laga qabana arintu halis gelayso.

 

Xoghaye Dhamme ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu kuleeyahay Facebook-ga, oo uqornayd sidan:-  

 

Gadoodka ciidanka qaranka Somaliland !

Ciidanka qaranka Somaliland waa ciidan ku nool duruufo adag hadana iimaan qaba oo aaminsan in ay gudanayaan waajib qaran oo dastuuriya, mushahar yaraan, xuquuq la’aan iyo waxa isugu darsamay danayn la’aan. haddi aan la xallin gadoodka ay ka soo ruqaansadeen fadhiisamadooda qaranimadu hallis ayay gelaysaa. waxa waajib u weyni saaran yahay Taliyaha guud ee ciidanka qaranka Muuse Biixi Cabdi in uu cabashadaa iyo tabashadaa xalliyo.




Waa in lala xisaabtama Janaraal Nuux Taaani, ciidanka loo kordhiyaa mushaharka, xuquuqaha ka maqan ee ay ka gadoodeenna la siiyaa oo laga jawaabaa. waa in Taliyaha guud ee ciidanka Madaxweyne Muuse Biixi lugtiisa ku tagaa jiidda hore ee Tukaraq, ciidanka cabashadooda ku dhegaystaa dhegihiisa oo loo helaa xal waara tabashada. masuuliyad weyn waa in layska saaraa cabashada ciidanka oo aan la sahalsan lana sii eegan .


Somaliland waxay ka nabad qabtay gadood ciidan oo ka jira wadamada jaarkeenna, jiidda ciidanka joogaa muhiim ayay u yihiin jiritaanka Somaliland, waxa la sheegaa in miisaaniyadeenna 50% in ka badani ku baxdo aminga iyo ciidamada waa in ay ka muuqataa noloshooda iyo nolosha qoyskooda, waxaanu garab taaganahay ciidanka qaranka Somaliland ee difaaca cadawga u jooga duurka.

Loading...
Loading...