Muxuu Daarnaa Kulan Dhexmaray Gudoomiye Ciro Iyo Labada Professor Ee Samatar Iyo Galaydh?

0
Friday May 03, 2019 - 20:33:37 in News by
  • Visits: 5322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Daarnaa Kulan Dhexmaray Gudoomiye Ciro Iyo Labada Professor Ee Samatar Iyo Galaydh?

    Muxuu Daarnaa Kulan Dhexmaray Gudoomiye Ciro Iyo Labada Professor Ee Samatar Iyo Galaydh?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Daarnaa Kulan Dhexmaray Gudoomiye Ciro Iyo Labada Professor Ee Samatar Iyo Galaydh?


Hargeysa(HWN):-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa u muuqda inuu xod xodayo siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee Proff Cali Khaliif Galaydh iyo Proff Axmed Ismaaciil Samatar.

Image may contain: 5 people, including Xasan Maal Dhidar, people smiling, suit


Gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo kulan ku maamuusay labadan siyaasi ee miisaanka ku leh somaliland ayaa u muuqda inuu damacsan yahay in siyaasadaha xisbiga Waddani uu ku qanciyo.


Kulanka gudoomiye Cirro ku maamuusay labadan siyaasi oo ay goob joog ka ahaayeen madaxda sare ee xisbiga Waddani ayaa gudoomiye Ciro iyo siyaasiyiinta Proff Cali Khaliif Galaydh iyo Proff Axmed Ismaaciil Samatar la sheegay inay kaga wada hadleen arimo la xidhiidha xaalada uu haatan dalku ku sugan yahay.


Sidoo kale warar laga helay kulankan ayaa xaqiijiyey in gudoomiye Ciro iyo labadan siyaasi ay ka wada hadleen sidii loo heli lahaa somaliland cadaalad ku dhisan, iyada oo labada dhinacba ay isla qaateen inay wadanka ka badbaadin karta xaalada uu ku jiro.

Image may contain: 2 people

Gudoomiye Ciro ayaa la rumaysan yahay inuu dedaal ugu jiro sidii uu labadaas siyaasi ee aqoonyahanka ah ugu qancin lahaa aragtiyaha xisbiga Waddani isla markaana uga mid noqon lahaayeen.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and suit

Proff Cali Khaliif iyo Proff Axmed Ismaaciil Samatar oo mudooyinkii ugu dambeeyey kulamo ku qabanayey gobolada kala duwan ee dalka ayaa u muuqda inaanay ku qanacsanayn hanaanka madaxweyne Muuse Biixi ku hogaaminayo dalka.


Proff Samatar oo ka mid ah xisbiga Kulmiye ayaa haatan laga dareemayaa sida aanu ugu faraxsanayn qaabka madaxweynuhu dalka u wado iyo xukuumada uu soo dhisayba, halka Proff Cali Khaliif uu sheegayo in madaxweynaha uu ka doonayo fulinta heshiiskii Khaatumo la gashay dawlada somaliland.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...