Xisbiga Kulmiye Oo Hanjabaado Culus Diray, Maxayse Salka Ku Hayaan Hadallada Kulul Ee Masuuliyiintiisu?

0
Saturday February 27, 2021 - 14:30:02 in News by
  • Visits: 1888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Kulmiye Oo Hanjabaado Culus Diray, Maxayse Salka Ku Hayaan Hadallada Kulul Ee Masuuliyiintiisu?

    Xisbiga Kulmiye Oo Hanjabaado Culus Diray, Maxayse Salka Ku Hayaan Hadallada Kulul Ee Masuuliyiintiisu?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Kulmiye Oo Hanjabaado Culus Diray, Maxayse Salka Ku Hayaan Hadallada Kulul Ee Masuuliyiintiisu?


Hargeysa(HWN):-Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga talada haya ee Somaliland ee Kulmiye, ayaa maalmo guddahood, waxa ka soo yeedhay hadallo cadho ka muuqato, xilli lagu jiro u diyaar-garowga doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada, oo xamaasadeedu taagan tahay wakhtigan.
No description available.



Cabdikariin Xinif oo ah Xubin firfircon oo ka tirsan Kulmiye ahna, Guddoomiyaha Hay'adda Barakacayaasha, ayaa isaga oo gacanta lulaya oo cadho ka muuqato, waxa uu madal lagu soo bandhigayey murrashaxiin Kulmiye ka tirsan oo si cad ugu eedeeyey Wasiirro hore oo ay isku deegaan yihiin in dadkii deegaankooda ay wada geeyeen Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, oo ay Xildhibaanno badan iska sharaxeen, xilli uu halkaas fadhiyey Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, "Waa ayaan darro in raggii shalay Xisbiga Kulmiye Wasiirrada ka ahaa, in maanta iyaga oo leh Kulmiye ayaanu nahay dadkii wada geeyaan UCID, oo ay U ololeynayaan." Ayuu yidhi Mr. Xinif oo ay ka muuqatay duruuf Siyaasaddeed oo uu kala kulmay deegaannada Bariga Burco, kuwaas oo si lama Filaan ah Murrashaxiinta dadka deegaanku wateen ee taageerada haystay looga sharaxay Xisbiga UCID.

Xinif oo sii hadlaya ayaa ku tilmaamay tallabadan dadka iska sharaxay Mucaaradka oo uu u nisbiiyey in ay ka shaqeeyeen tegitaankooda Wasiirro hore, oo uu madasha ka fadhiyey Maxamuud Xaashi, mid aan sax ahayn, waxaanu yidhi "Sax maaha Kulmiyenimo-na maaha, wax wada lahaansho-na maaha, isixtiraam-na maaha. Ragga Xilka hayana lama ixtiraamayo, deegaannada ay ka soo jeedaana malaha ixtiraamayo. Sida saxda ahi waxa weeye la shaqee ninka maalintaasi jooga"

Hadal kale oo cadho ka muuqatay, ayaa waxa uu isna ka soo yeedhay Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Xisbuga Kulmiye Axmed Cabdi Dheer, kaas oo ka fal celinayey eeddo uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukumaddiisa, waxaanu yidhi "Haddii Afku Xumaado Gacanbaa Timaada,Faysal Cali Waraabe Waxaan Leeyahay Madaxweynihii Xildhibaanada Wakiilada Iyo Guurtida Aad Amaanaysey Shalay, Maanta ha Caayin Sidaa Dooorosho Ku Dhici Maysee".

Haddalada Masuuliyiintan Kulmiye, ayaa u muuqda kuwa ka dhashay Weji cusub oo ay yeelatay siyaasadda Xisbiyada Somaliland, xilligan lagu guddo jiro hawlaha doorashada.

Arrintan Kulmiye lama filaanka ku noqotay, ayey dadka siyaasadda lafo guraa ay tilmaamayaan in ay tahay Xisbiyada Mucaaradka oo si weyn uga shaqaystay suuqa amma deegaankii uu Xisbul Xaakimku, awoodda badan ku lahaa oo Beelaha qaarkood ay Murrashaxiintoodii geeyeen.
Xisbiga UCID, ayaa isagu u muuqda mid kasbasho iyo Xidhibaanno deegaannadoodu wataan ka helay deegaanno dhawr ah oo laga taageeri jiray Kulmiye

Loading...
Loading...