Ila qosol, ... Cabdullaahi Maxamed Cumar

0
Saturday February 27, 2021 - 10:48:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila qosol, ... Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Nabad akhristayaal,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad akhristayaal,

Haddii aynnu halkii ka sii wadno sheekooyinkii gaagaabnaa ee Ila Qosol; maanta waxaynnu soo qaadan doonnaa sheekadan gaaban oo xiisaheeda leh.



Nin iyo saaxiibkii ayaa beri gabadh la baxsaday - si uu midkood u soo mehersado. Markii ay kala fogaadeen halkii ay inanta ka kaxaysteen, ayay yimaadeen tuulo yar. Waxayna dadkii tuulada degganaa weydiiyeen wadaad gabadha u meheriya.


 Waxana loo sheegay, in wadaadkii weynaa ee wax meherin jirey ka maqan yahay tuulada; laakiin uu joogo wadaad kale oo meherka ugu filani!


Kaddibna waxa loo tilmaamay guriga uu deggan yahay wadaadkan yar ee awga ahi.
Dabadeedna, halkii ayay ugu tegeen wadaadkii loo tilmaamay; muraadkoodiina u sheegeen.


Wadaadkii wuxu ku yidhi, "Dhibaato ma laha oo waa la idiin dhammayn." Wax yar kaddibna, Qulhu Wallaha ayuu ugu akhriyey; ajuuradiisiina (mushqaayaddiisiina) wuu ka qaatay. Wuxuna ku yidhi, " way idiin dhan tahay ee iska taga! " Wayna iska soo ambabaxeen oo gabadhii soo kaxaysteen.


Maalin kaddib, ayay tuuladii yimaadeen qoladii inanta lagala soo baxsaday oo raadco ahi. Waxana loo sheegay, in shalay intii la meheriyey oo Qulhu Wallaha loo akhriyey - oo aanay shuruudihii meherka midna la marin; nimankiina kaxaysteen oo ay la tageen!!


Nimankii raadcada inanta ahaa oo cadhaysan ayaa loo tilmaamay guriga wadaadkii inanta Qulhu Wallaha ku meheriyey. Raggii oo cadhaysan ayaa wadaadkii u tegey. Waxayna weydiiyeen waxa dhacay ee loo soo sheegay iyo waxa ka jira!


Wadaadkii ismaba wareerine, aayar ayuu u jawaabey nimankii; isaga oo leh," Kolka horaba Qulhu Walle la'aan ayuu ku watee, maxaan biiyey haddii aan Qulhu Wallaha u raaciyey!?..

Toloow maxay ku dambeysey arrintaasi?


Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: [email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...