Library Gii Hargeysa Oo Noqday (Club) Qaaliya Oo Membership Kiisu Waa $20.

0
Saturday February 27, 2021 - 10:36:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 945
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Library Gii Hargeysa Oo Noqday (Club) Qaaliya Oo Membership Kiisu Waa $20.

    W/Q: Mohamed Bashe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Bashe
《 SOMALIYEEY OGAADA WAX AKHIRIGU INUU KA MACAANYEY CAANAHA GEELA , NINKII DHADHAMIYEY BAA GARANAYEE》.


Waxbarashada SOMALILAND waxay soo bilaabantay 1930 , dugsiyadii u horeeyey amagaalooyinka Berbera, Burco, Hargeysa iyo Borame . Halgan iyo dhibaato badan ayaa loo soo maray in Dugsi SOMALILAND laga furo.



Markiiba markaan u hanqal taagay inaan qoro maqaalkan kooban waxaan xasuustay SHANTII HALGAMAYAAL EE WAXBARASHADA SOMALIDA KA SOO BILAABAY SOMALILAND EE UU HOGAAMINAAYEY ALLAH HA NAXARIISTO DAMMAANTOODE:


1- MAXAMOUD AXMED CALI
2- CABDISALAM HASSAN MURSAL
3- MAXAMED SHIRE  MAXAMED.
4- YUSSUF XAJI ADAN QABILLE.
5- YUSSUF ISMACIL SAMATER (GAANDI).
HALGANKII AY HALYEYADNI LA SOO GALEEN GUMAYSTIHII SI AY UGU SANDULEEYAAN IN DUGSIYO CASRIYA LAGA FURO WADANKA IYO WADAADADII BERIGAA OO IYANA DAGAAL KU BILAABAY SIDII AAN DUGSIYA CASRIYA LOO FURIN OO MULCAAMADAHA UUN LAGU KOOBNAADO. AKHIRKII SHANTAA HALGAME WAY KU GUULAYSTEEN INAY DUGSIYO KA  FURAAN MAGAALOOYINKA KOR KU XUSAN.


Waxbarashadu maanta heer wacan bay maraysaa oo jaamacado iyo bulsho dhalinyaro ah boqolaal kuna ayaa  dadaal cilmi ku jira si ay dunida kale u gaadhaan inkastay weli carqalado badani hortaagan yihiin oo QAAR badan si fudud wax looga qaban karo hadday Dawlad tay hadday tijaartay iyo hadday shacabtay.  Waxaan madaxda SOMALILAND ku baraarujin lahaa laga soo bilaabo MADAXWEYNAHA SOMALILAND, WASIIRKA GUDAHA, WASIIRKA MAALIYADDA, WASIIRKA TACLIINTA IYO TIJAARTABA WAXAA JIRA GUULAHA QAAR AAN LAGAA QAADI KARIN WAX KASTOO XUN XITAA HADDAA SAMAYSO, TUSAALE MAXAMED SIYAAD BARRE SOMALI QAAR WAXAY KU ODHANAYAAN CADAABTUU KU JIRAA QAARNA JACAYL AWGII WAXAY TAMANIYAAN INUU JANNADA KU JIRO, LAAKIIN GUUSHA QUDHA EEN MAANTA SOMALIYI KA QAADI KARIN WAA AFSOOMASLIGII UU QORAY OO FUDUDDEEYEY WAXBARASHADA. 


Maanta Library ga Hargeysa  wuu dhisanyey sida Aqalka lagu sheegay BANGIGA OODWEYNE LAAKIIN MAAHA LIBRARY ANFACA WAXBARASHADA DALKA WAAYO INAGOO UMMAD SABOOLA AH OO MUSHAHARKA SHAQALAHA, ASKARTA, XAMMAALIINTA, WADHATADA IYO SUUQ JOOG KA KOOBAN 80% inuu LIBRARY GEENU NOQDO SIDII CLUB BAAYAC MUSHTARI OO MEMBERSHIP KIISU NOQDO $20 LABA KUN OO SOMALILAND AH ALBAABKA LAGU GALO WAA SHAY LAGA YAQYAQSOODO, WAXAAN XASUUSTAY CARUURTII ASKARTA SOMALILAND DHASHAY IYO KUWII WADHATADA, XAMAALIINTA INAANAY SOO AG MARI KARIN TAASOO WELIBA UU KU YAAL MEEL AH 《 XINNIINYO-DABADOOD 》 OO AAN KU MUNAASIB AHAYN.


Arintani waa carqalad weyn oo kasoo horjeeda WAXBARASHADA reer SOMALILAND oo aan dhiirro gelinayn wax akhriga. Wax AKHIRIGU waa lafdharta wax barashada waxay ahayd inuu library ahaado maalintii wax akhri laguna qabto events WAXBARASHADA TOOS  ugu xidhma oo sida kediska, wacyi gelinta suugaanta, tartanka buug akhriga, tartanka sheekooyin qoran, shahaado sharafta dugsiyada iyo wixii la mida. Imika waa meel 15 hablood iyo shan iyo toban wiil isugu yimmaaddaan EE kama muuqato meel rugta wax akhriga ah oo ku taal magaalo lagu sheego lix jaamacadood iyo intaasoo DUGSIYO iyo bulsho malyuun gaadho. 


Hadday xaalkan ogaan lahaayeen HALGAMAYAASHII TACLIINTU LUXUDKAY LASOO KICI LA HAAYEEN. NIMAN KA SHEEKHYADA DIINTU WAA INAY ARINTA WAXBARASHADA IYO XARUMAHA WAXBARASHADA WAA INAY SI JOOGTA AH INDHA UGU HAYAAN OO KHUBADO JIMCE WADAAN OO SIDA DAYAXA IYO SATELLITE KA UGU DUL WAREEGA WAXBARASHADA DAL MIYI IYO MAGAALO.


WAXAAN BERBERA KU SOO ARKAY TUULO DHINACA BARIGA KA XIGTA OO DAD BADAN OO MASJID WEYN LEH OO MASJIDKU XIDHAYEY , JIMCE LA TUKADANA HADALKIISA DAA. Masaajidu waa goobaha UGU muhiimsan in ( community) wax lagu baro.


M BASHE 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...