Mudo Intee Leeg Ayaa Lagu Sharciyeyn Karaa Xeerkii Xaalada Deg Dega Ah Lagu Galiyey Gobolka Sanaag?

0
Friday May 03, 2019 - 19:28:25 in News by
  • Visits: 2941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudo Intee Leeg Ayaa Lagu Sharciyeyn Karaa Xeerkii Xaalada Deg Dega Ah Lagu Galiyey Gobolka Sanaag?

    Mudo Intee Leeg Ayaa Lagu Sharciyeyn Karaa Xeerkii Xaalada Deg Dega Ah Lagu Galiyey Gobolka Sanaag?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudo Intee Leeg Ayaa Lagu Sharciyeyn Karaa Xeerkii Xaalada Deg Dega Ah Lagu Galiyey Gobolka Sanaag?


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland ayaa soo saaray xeer uu xaalad deg deg ah ku galiyey deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.

Image result for madaxweyne muuse biixi


Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xeerka uu saaray waxa u ku sheegay inuu xaalad deg deg ah ku galiyey degmooyinka Ceerigaabo, Ceel Afweyn iyo Gar adag, kaas oo xildhibaanada labada gole-na ay ka horyimaadeen.


Hadaba garyaqaan Ayaanle Maxamed Cige ayaa ka hadlay mudada uu sharcigu ogol yahay ee uu ku hirgeli karo xeerka xaalada deg dega ah ee madaxweyne muuse biixi soo rogay.


Garyaqaan Ayaanle Maxamed Cige oo sharaxaad ka bixinaya xeerkan iyo mudada uu ku dhaqan gali karo ayaa waxa uu yidhi :-


Xeerka Degdega ah ee Madaxwayne Biixi wuxuu haystaa mudo 14cisho ah si loo Sharciyeeyo ama loo Diido waxaana labada Awoodod leh labada Gole ee Baarlamaanka, Qod 92aad Ee Dastuurka Jsl wuxuu Waajibiyey in mudo 14cisho ah lagu horkeeno Xukumada degdega ah labada Gole ee Baarlamaanka hadii Sidan maanta oo kale Golayaasha Baarlamaanku ku maqan yihiin Fasax waxaana laga soo bilaabayaa maalintii ay Xukuumadu ku dhawaaqday Xeerkaas.


Mudedaas 11cisho ah Xeerkaasi wuu shaqayn karaa iyada oo aan wali la ansixin, maadama uu Dastuurka u ogolyahay.


Sidaa darteed hadii aan laga ansixin labada Gole wuxuu nqon doona Xeer aan dhaqan galin oo dib loogu soo celiyo Madaxtooyada Hadii la ansixiyana waxa xeerarka degdegga ah dib-u-eegid ay 2da Gole ku samayn doonaan saddexdii biloodba hal mar iyaga oo go'aankoodu ku salaysnaan doono codka hal dheeriga ah (Simple Majority).


Balse waxa is waydiin mudan mardambe ma soo noqon doonan labadii Gole ee Baarlamaanku maadama uu khalkhalay fadhigii 1aad kadib markii uu Gudoomiyaha Baarlamaanku xidhay fadhigaas iyada oo ay socoto Codayntii Goluhu.



Garyaqaan Ayaanle Xaliye

Loading...
Loading...