Maxay Yihiin Fursadaha Uu Musharax Cabdirisaaq Khaliif Ku Noqon Karo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada?

0
Friday February 26, 2021 - 13:08:11 in News by
  • Visits: 1650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Yihiin Fursadaha Uu Musharax Cabdirisaaq Khaliif Ku Noqon Karo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada?

    Maxay Yihiin Fursadaha Uu Musharax Cabdirisaaq Khaliif Ku Noqon Karo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Yihiin Fursadaha Uu Musharax Cabdirisaaq Khaliif Ku Noqon Karo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada?

Hargeysa(HWN):- Gobolka Sool ee Somaliland, waxa ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasaddeed oo dalka ku haya doorashooyinka foodda innagu soo haya ee waddanka ka dhici doona Bisha May.
May be an image of 6 people, people standing and outdoors



Dhaq-dhaqaaqyadan oo hor dhac u ah ololaha doorashada soo socoto ee Golaha Wakiillada iyo Deegaanka oo ay si weyn ugu loolami doonaan Xisbiyada Waddani, Kulmiye iyo UCID, kuwaas oo doorkan ku hirdami doona codadka Gobolka Sool oo si weyn dadkiisu isu diiwaan geliyeen.
Loollankan ka bilowday Sool, ayaa waxa xiiso gaar ah u yeelay Laba Masuul oo ka kala tirsan Kulmiye iyo Waddani oo labadooduba isku deegaan hoose ka soo jeeda, oo midna Mucaaradku u wataan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada midna Xisbuga Muxaafidku wato.

Labadan Masuul oo kala ah Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Guddoomiye Kuxigeenka Xisbiga Waddani Cabdirisaaq Khaliif, imika labadooba ku sugan Gobolka Sool, ololahoodiina ka bilaabay.

Guddoomiye Cirro, ayaan isku qarsanba Qorshahooda Golaha Wakiillada ee cusub ee la dooran doono 31-ka May, isaga oo sheegay in ay Cabdirisaaq Khaliif u wataan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee la dooran doono.

Haddaba, Waa Maxay Fursadaha Cabdirisaaq Khaliif?

Waa Siyaasi qunyar socod ah oo saaxadda Siyaasadda soo galay wakhtigii Xukuumaddii Siillaanyo oo uu soo noqday Wasiirka Wasaaraddaha hawlaha Guud iyo Ganacsiga, ka hor intii aanu ku biirin Xisbiga Waddani, isaga iyo Saaxiibkii Xirsi Cali xaaji Xasan iyo Siyaasiyiintii Kulmiye k tirsanaa ee diidanaa in Kulmiye lagu wareejiyey Muuse Biixi cabdi.

Fursadaha uu haysto Mr. Khaliif.

1. Waa Siyaasi ka sharaxan Xisbi Mucaarad ah, oo doorashadii hore ee Madaxtooyada xisbigiisa guul uga soo hooyey Gobolka Sool, kana cod batay Kulmiye, iyada imika la filayo , madaama oo uu sharaxan yahay inuu fursad weyn ka helo deegaankiisa.

2.Waa Masuul lagu tilmaamo qunyar socod ku dheereeya siyaasadda faq hoose iyo ololeyaasha Miisaka hoostiisa laga hago.

3. Waa Siyaasi qolqol joog ah, muddada bulshada ku dhex jiray, madaama oo uu ahaa ganacsade iyo Wadaad, xidhiidho kala duwan la lahaa deegaankiisa.

4. Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Mucaaradka ahi, waxa uu u sahli karaa in ay isbahaysi siyaasi ah yeeshaan Xisbiga kale ee UCID, iyaga oo noqon kara ama gaadhi kara Aqlabiyad ay ku doortaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

5. Fursada kale ee uu hayso ayaa noqon karta, inuu gacan ka helo ganacsado iyo Shirkaddo waaweyn sannadkan danaynayaa in ay taageeraan Xildhibaanno dannaha ka gala Golahaasi kala shaqeeya.

Loading...
Loading...