Muxuu Daaran Yahay Shirka Madaxda Soomaalida Uga Furmaya Garoowe?

0
Friday May 03, 2019 - 19:10:39 in News by
  • Visits: 1779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Daaran Yahay Shirka Madaxda Soomaalida Uga Furmaya Garoowe?

    Muxuu Daaran Yahay Shirka Madaxda Soomaalida Uga Furmaya Garoowe?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Daaran Yahay Shirka Madaxda Soomaalida Uga Furmaya Garoowe?


Garoowe(HWN):-Madaxda dawlada federaalka ah ee soomaaliya iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ayaa shir muhiim ah ku yeelanaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.





Shirkan oo ku soo beegmaya wakhti ay sii kala fogaadeen madaxda dawlada federaalka ah iyo madaxweyneyaasha maamuladu kuwaas oo uu ka dhexjiro khilaaf aan wali awoodiisu soo shaac bixin, iyada oo madaxda maamuladu ay dhawr jeer oo hore ku gacan saydheen shirar uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo.


Qodobada xooga lagu saari doono shirkan ayaa wararku sheegayaan inay ugu horeeyaan xal u helidda khilaafka daba dheeraday ee dawlada dhexe iyo maamulada, arimaha amniga, siyaasada iyo hanaanka ay u dhacayso doorashadu oo aan wali la cadayn.




Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland-na waxa maanta gaadhay raysal wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweyneyaasha maamulada Jubaland iyo hirshabeelle.


Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa garoowe ku soo dhaweeyey raysal wasaare khayre, isaga oo ka hadlaya imaanshiyaha raysal wasaaraha ayaa waxa uu yidhi ""Waxaa maanta sharaf wayn noo ah, iyadoo maalin Jimce ah ay tahay inaan ku soo dhawayno Garoonka Gen, Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdi ballaaran oo la socday, iyadoo maalinta berri ah haddii Alle ka dhigo uu ka billaaban doono shir wadatashi ah Garoowe oo ay yeelan doonaan Madaxda DFS iyo Madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS"





Sidoo kale waxa la filayaa in saacaddaha soo socda uu garoowe gaadho madaxweynaha dawlada federaalka ah Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo qaar ka mid ah madaxda maamulada oo aan wali soo gaadhin Puntland.

Loading...
Loading...