Sarkaal Hore Oo Ka Tirsannaa Hay'adda NISA Oo Ka Hadlay Waxyaabaha Caqabadda Ku Ah Qabsoomidda Doorashadda

0
Thursday February 25, 2021 - 19:05:09 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Hore Oo Ka Tirsannaa Hay'adda NISA Oo Ka Hadlay Waxyaabaha Caqabadda Ku Ah Qabsoomidda Doorashadda

    Sarkaal Hore Oo Ka Tirsannaa Hay'adda NISA Oo Ka Hadlay Waxyaabaha Caqabadda Ku Ah Qabsoomidda Doorashadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal Hore Oo Ka Tirsannaa Hay'adda NISA Oo Ka Hadlay Waxyaabaha Caqabadda Ku Ah Qabsoomidda Doorashadda


Muqdisho(HWN):-Cabdillaahi Maxamed Xuuriye oo ka mid ahaa Sarraakiishii ugu sarraysay Hay'adda Wardoonka NISA ee dalka Soomaaliya ayaa uu ka hadlay khilaafka hor taagan qabsoomidda Doorashadda Soomaaliya 2021.
No description available.


Cabdillaahi Maxamed Xuuriye ayaa sidaa waxa ku sheegay Waraysi uu siiyay Raaddiyaha 24 oo ka mida Warbaahinta dalka Talyaaniga, waxaannu waraysigaasi u dhacay sidatan :-

Sual
doorashoyinka soomaaliya dib uu sababta khilaafka uu dhaxeeyo dowlada dhexe iyo jubbaland iyo puntland maxa keenay khilaafkan.

Jawaab

Khilaafkan waxa sabab u ah is faham waayaa sidi loo hirgelin laha heshiska 17 Sept arimaha la isku fahmi waaye waxa ka mid eh
-Gudigga doorashoyinka
-Gudiga gobolada waqooyi
-Arinta Gedo

Dowlada federaalka waxay ka tanaasushay inay qabato doorasho qof iyo cod waxay aqbashay codsi labada mamuul la qabto doorasho dadban sidanku cad heshishka 17 sept.

Labada maamul waaxa ka muuqda in marnaba rabin in dalka doorasho ka dhaco mar walbo mar tilaabo horo loo qaado labo ee gadaal uu qaadan. Waaxa meesha ka muuqato gacan sedexaad oo aan loo jeedin.

Sual

The East African NewsPaper waxay cadeyneysaa in ka dambeysa khilaafka u dhexeeya dowlada dhexe iyo hogaamiyaasha mamuul goboleeyada uu jiro khilaaf oo labada garab ee tageera ka heleyaan Qadar iyo Imaaraatka iyadoo Doha ay taageerto Muqdisho halka Abu Dhabi uu garab istaagayo madaxda gobolka; Ma noo sheegi kartaa wuxu khilaafka ku saabsan yahay? oo ka waran doorka Turkiga ee dagaalkan wakiillada ah? (Ankara waxay Soomaaliya ku leedahay saldhig millatari oo aad u weyn, danaha muhiimka ahna ka leh dalka)

Jawaab
Dowlada federalka ee soomaliya aa masuul ka eh arimaha dhibada iyo diplomaciyed marku uu dhacay isku dhacay dhanka wadamada khaleejka oo loo godoomiyey qadar somalia waxay qaadatay goan dhexdaxad nimo taas oo ee caroortay Emirate waxay goansatay inay adeegsato awood iyo dhaqaalo sidi loo bixin laheed dowlada somalia waxay uu adeegsatay mamuumalada qaarkood oo sharici daro iyo xadgudub ku eh madax banaanida dalka iyo siyaasin soomali oo qalalaaso ka wado dalka lkn way ku guuleysan waysat qorshaheeda waxa kaliye sii xumaatay xiriirka dowlada somalia iyo Emirate ka.

Turkey kaalinteeda Somalia wa mid ku dhisan walaaltinmo iyo horumar dhanka caafimadka waxbarashada dhib uu dhiska dalka iyo tabarka ciidanka soomaliyeed mana farageliso siyaasada soomaliye.

Kenya wa dal kale oo dhibaato ka dhex wado somalia gaar ahaan jubbaland waxaayna siisa jabhad hub iyo tababar oo lugu weraro ciidanka xooga dalka oo difaaco xaduuda. Waxay uu isticmaasha shaatiga AMISOM arimaheed gaarka ee ka leeydahay somalia gaar ahaan kismaayo. Waxaana xusid mudan inay hada dacwo labada dal uu taalo maxkamada ICJ Den Hague oo ee rabto inay qeeyb weyne bada soomaliye la wareegto si sharci daro.

Sual
Sideed u malaynaysaa in mushkiladan siyaasadeed la xallin karo?

Jawaab
Xalka wa in miiska wadahadalka la isku yimaada oo muhiimada kowaad la siiya danta dalka iyo in danaga gaarka meel la iska dhigo oo soomalinimo wax walbo lagu xaliyo.

Loading...
Loading...