Wasiirada Reer Awdal Oo Lagu Eedeeyey Inaanay Dastuurka Aqoon Iyo 9 Qof Oo Xabsiyada Boorama Loo Dhigay Sifo Sharci Daro Ah

0
Thursday February 25, 2021 - 11:13:56 in News by
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirada Reer Awdal Oo Lagu Eedeeyey Inaanay Dastuurka Aqoon Iyo 9 Qof Oo Xabsiyada Boorama Loo Dhigay Sifo Sharci Daro Ah

    Wasiirada Reer Awdal Oo Lagu Eedeeyey Inaanay Dastuurka Aqoon Iyo 9 Qof Oo Xabsiyada Boorama Loo Dhigay Sifo Sharci Daro Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirada Reer Awdal Oo Lagu Eedeeyey Inaanay Dastuurka Aqoon Iyo 9 Qof Oo Xabsiyada Boorama Loo Dhigay Sifo Sharci Daro Ah


Hargeysa(HWN):-Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa ku eedeeyey Wasiiradda reer Awdal ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay yihiin qaar aan aqoon dastuurka dalka, waxaanu sheegay inay Boorama ku xidhan yihiin Sagaal qof, kuwaas oo lagu haysto waad isa sharraxdeen iyo hebel ayaad sharraxdeen.




Siyaasi Ramaax oo ka hadlayey Munaasabad uu Xisbiga UCID magaalada Boorama ugu qabtay musharraxiin iyo siyaasiyiin ku biirtay Xisbigaas ,ayaa yidhi sidan:-"Hal fariin oo keliya ayaan u dirayaa Wasiir Saajin iyo Wasiiradda kale ee Gobolkan kasoo jeeda ee uu ugu horeeyo Wasiir Saajin, waxaan leeyahay Axdi Qarameedkii dalka lagu aasaasay halkan ayaa lagu qoray maalintaa maad joogin ayaan taas ayey ahayd,marka beeshii inay qof keensato Barlamanka ayuu hebel noo gelayaa ay ahayd.

Xoghaye Ramaax ayaa sheegay in wasiiradda Gobolka aanay dastuurka akhriyin, isla markaana aanay aqoon u lahayn,"Waxa aan aad uga xumay in aan Wasiiradda Gobolku aanay distoorkii dalkaba akhriyin ayaa cad tallaabooyinka ay qaadayaan, waxaan leeyahay waar ninka Wasiir laga dhigayoow waar horta distoorka dalku uu leeyahay akhri,marka aad taa akhrido waa in aad fahantaa muwaadinku inuu wax dooran karro lana dooran karro,waa in aad fahantaa.”

Geesta kalene Xoghaye Ramaax ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay xadhiga Sagaal qof oo Boorama ku xidhan,kuwaas oo lagua haysto inay isa soo sharraxeen ama ay cid kale ay xisbiyadda Mucaaradka ah ka soo sharraxeen"Waxa Maanta Boorama ku xidhan sagaal qof ayaa ku xidhan oo loo xidhay, maxaa hebel u sharrax-deen iyo hebel muxuu u sharraxan yahay,waar miyanay distoorkii oo meel lagaga dhacay ahayn, nin ayaa xalay noo yimi oo nagu yidhi waa nala xidhayaayoo maxaad isku soo sharraxaysaan ayaan nala leeyahay,waa nasiib darro runtii muwaadinku wuxuu xaq u leeyahay in la doorto cidna uu doorto labadaba xaq ayuu u leeyahay,.”

Sidoo kalene Xoghaye Ramaax ayaa sheegay in masuuliyiinta Xukuumadda markii ay faro madhnaan ka soo istaageen taageeradii shacabka inay miciin bideen xadhig iyo cabudhim iyo xar isa sharrax,waxaanu ku baaqay in aan xuquuqda muwaadiniinta wax loo dhimin"Sidaa daradeed yaan xuquuqdii aasaasiga ahayd ee dadku lahaa in meel lagaga dhacaa waa xaraan,Xisbiyadda waxa u bannaan xod-xodasho ayeynu dadka ku leenahay mabaadii inaynu ku tartanaa ayeynu xaq u leenahay,lakiin cabudhin xaq uma lihin,cabudhin iyo ma tartami kartid Hargeysa ayey ka taagan tahay, Boorama ayey ka taagan tahay,Burco ayaanu oggayn, Berbera ayaanu ognahayn, lixdii Gobol ee dalkaba raggii Xukuumadda u shaqaynayey markii ay farro madhan ummaddii ka noqdeen ,waxay miciinsadeen inay yidhaah-daan hebel isoo xidha iyo habel isoo xidha.”..ayuu yidhi Siyaasi Ramaax oo arrintan layaabka leh ka hadlayay.


Loading...
Loading...