Maamulka Puntland Oo Shaaciyey Qaab Cusub Oo Loogu Dhawaaqayo Dacwad Kufsi Ah

0
Friday May 03, 2019 - 18:45:12 in News by
  • Visits: 1575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland Oo Shaaciyey Qaab Cusub Oo Loogu Dhawaaqayo Dacwad Kufsi Ah

    Maamulka Puntland Oo Shaaciyey Qaab Cusub Oo Loogu Dhawaaqayo Dacwad Kufsi Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland Oo Shaaciyey Qaab Cusub Oo Loogu Dhawaaqayo Dacwad Kufsi Ah


Garoowe(HWN):-Maamulka Puntland ayaa shaaciyey qaabka loo qaadayo dacwad kufsi ah oo ka dhacday magaalada Gaalkacayo.

Image result for maamulka puntland logo



Dacwadan ayaa la xidhiidha gabadh yar oo 12 jir ah oo lagu magacaabi jiray caasha taas oo lagu kufsaday magaalada Gaalkacayo isla markaana la dilay.


Dacwadan ayaa loo haystaa dad gaadhaya 10 qof ayaa la filayaa in maalinta bari ah la soo gaba gabeeyo isla markaana xukunkii ugu dambeeyey uu dhaco.


Hogaanka dambi baadhista maamulka Puntland Kornayl Cismaan maneeno ayaa ka hadlady dacwadan kufsi waxaanu yidhi "Kiiskii Caasho waxaa lagu qaadayaa meel fagaare ah oo dadka oo dhan goobjoog ka noqon doonaan Waxaanan rabaa inad indhihiina ku aragtaan waxa dhacaya, dadka samirkaa ku yar baardhistuna wakhti ayey qaadatay ".


Sidoo kale hogaanka dembi baadhista ee maamulka Puntland ayaa sheegay inay maxkamada u gudbiyeen dacwad ay ku go’aan gaadhi karto "Maxkamadu iyada ayaa taqaan cida ay dembi ku waayeyso ee ay sii daynayso iyo cida dembiga kufsiga lagu qaadayo.”


Dacwadan kufsiga ee bari la soo gaba gabaynayo ayaa cadho badan ka dhalisay maamulka Puntland iyada oo ay dadweynuhu si adag uga horjeedsadeen in la kufsado isla markaana la dilo gabadh yar oo 12 jir ah.

 

Loading...
Loading...