Go'aankii Baarlamaanka Ee Xaalada Deg Dega Ah Oo Taariikh Cusub Ku Suntay Madaxweyne Muuse Biixi.

0
Friday May 03, 2019 - 18:13:15 in News by
  • Visits: 4506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Go'aankii Baarlamaanka Ee Xaalada Deg Dega Ah Oo Taariikh Cusub Ku Suntay Madaxweyne Muuse Biixi.

    Go'aankii Baarlamaanka Ee Xaalada Deg Dega Ah Oo Taariikh Cusub Ku Suntay Madaxweyne Muuse Biixi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Go'aankii Baarlamaanka Ee Xaalada Deg Dega Ah Oo Taariikh Cusub Ku Suntay Madaxweyne Muuse Biixi.


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa soo rogay xeer uu xaalad deg deg ah ku galiyey Ceerigaabo, Ceel Afweyn iyo Gar Adag oo ka tirsan gobolka Sanaag.

guul iyo guul daro diidmada baarlamaanku maxay noqon kartaa ???


Madaxweynaha somaliland ayaa xeerkii uu u adeegsaday xaaladan deg dega ah ee uu ku soo rogay deegaanada gobolka Sanaag u gudbiyey baarlamaanka si ay uga gutaan waajibaadkooda sharciga ah, isaga oo filayey in xildhibaanada labada gole ee Guurtida iyo Wakiiladu ay ansixin doonaan.


Xildhibaanada labada gole oo la tilmaamo in aqlabiyadooda uu haysto xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa qaatay go’aan ka soo horjeeda filashadii madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa.


Xildhibaanada labada gole ayaa fadhi ay iskugu yimaadeen waxay aqlabiyadoodu isku raacsanayeen inaanay ansixin xeerka uu madaxweyne Muuse Biixi xaalada deg dega ah ku galiyey deegaanada ka tirsan gobolka Sanaag.


Gudoomiyaha golaha wakiilada Baashe Maxamd Faarax oo gudoominayey fadhiga labada gole ayaa markii uu codka u qaadayey xeerka uu madaxweyne Muuse Biixi u soo gudbiyey xildhibaanada labada gole waxa uu dareemay in mudanayaashu ka soo horjeedaan talaabada madaxweynaha ka dib markii xildhibaanada ogolaaday ay dhaafi waayeen 40 taas oo keentay inaanu xildhibaanada waydiin cida diidan balse uu fadhiga soo xidhay isla markaana uu maalinta sabtida ah ee bari dib u furi doono.


Talaabada ay xildhibaanadu kaga horyimaadeen xeerka madaxweynaha ayaa taariikh cusub u yeeshay madaxweyne Muuse Biixi, waxaanay noqonaysaa in taariikhda markii ugu horaysay ay baarlamaanka somaliland ka horyimaadeen go’aan madaxweyne iyada oo xisbiga madaxweynuhu uu haysto aqlabiyada xildhibaanada.


Sidoo kale talaabadan ay qaadeen xildhibaanada labada gole ayaa lagu qiimayn karaa heerka ay marayso taageerada uu ka haysto bulshada maadaama oo ay mudanayaasha labada aqal ee guurtida iyo wakiiladu matalayaan shacabka, taas oo noqon karta in taageerada loo hayo madaxweynuhu ay aad u hoosayso.


si kastaba ha ahaatee xildhibaanada labada aqal ee wakiilada iyo guurtida ayaa la dhawrayaa go’aanka ay ka qaateen xeerka madaxweynaha marka ay isku yimaadaan maalinta sabtida ah.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...