Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Kulansiinaya Madaxweyneyaasha Soomaaliya Iyo Kenya

0
Tuesday March 05, 2019 - 20:27:31 in News by
  • Visits: 1900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Kulansiinaya Madaxweyneyaasha Soomaaliya Iyo Kenya

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Kulansiinaya Madaxweyneyaasha Soomaaliya Iyo Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Kulansiinaya Madaxweyneyaasha Soomaaliya Iyo Kenya

Addis Ababa(HWN):-Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa safar wada jir ah ugu baxaya wadanka Kenya.


Hogaamiyeyaasha soomaaliya iyo Itoobiya oo maanta wada hadal ku yeeshay magaalada Addis Ababa ayaa isla soo qaaday in dib loo soo celiyo xidhiidhkii dublamaasiyadeed ee Muqdisho iyo Nairobi oo mudooyinkii ugu dambeeyey xumaaday.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay dawlada soomaaliya Dr. Abiy Ahmed iyo Farmaajo ayaa isla gartay inay u socdaalaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaas oo ay wadda hadal kula yeelan doonaan madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyata.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay wada hadal sadex geesood ahi uu dhexmari doona hogaamiyeyaasha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa wada dedaal uu iskugu soo dhawaynayo wadamada Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka dhaxeeyo khilaaf ku saabsan xuduuda bada ee ay wadaagaan, iyada madaxweynaha Kenya uu hore wada hadal ula yeeshay raysal wasaaraha Itoobiya.


Loading...
Loading...