"Musharixiinta Wata Shahaadooyinka Foojariga Ah Waxaan Leeyahay Ha Soo Lug Go'ina"..xafiiska Imtixaanaadka

0
Tuesday February 23, 2021 - 11:21:56 in News by
  • Visits: 1317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Musharixiinta Wata Shahaadooyinka Foojariga Ah Waxaan Leeyahay Ha Soo Lug Go'ina"..xafiiska Imtixaanaadka

    "Musharixiinta Wata Shahaadooyinka Foojariga Ah Waxaan Leeyahay Ha Soo Lug Go'ina"..xafiiska Imtixaanaadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Musharixiinta Wata Shahaadooyinka Foojariga Ah Waxaan Leeyahay Ha Soo Lug Go'ina"..xafiiska Imtixaanaadka

Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Oo Sheegay In Berri Laga Bilaabo Ay qabanayaan Shahaadooyinka Murrashaxiinta.
May be an image of 1 person, beard and sitting



Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Daa'uud Axmed Faarax, ayaa shaaciyey in maalinta berri ee 23-ka bisha Febuary la bilaabayo qabashada shahaadooyinka iyo macluumadka dhinaca aqoonta ee looga baahan yahay Murrashaxiinta Golaha Wakiillada ee laga doonayo Shahaadada Dugsiga sare iyo weliba murrashaxiinta Degmooyinka B iyo C ah.

Daa'uud Axmed Faarax, oo shir jaraa'id ku qabtay, isaga oo ay weheliyaan Xubnaha Komishanka Tacliinta sare, ayaa sheegay in ay murrashaxiinta Golaha Wakiillada iyo kuwa degmooyinka B iyo C ah, ee shahaadooyinka laga doonayaa yihiin dugsiga sare in ay yimaadan Xafiiska Imtixaanaadka, si loo hubiyo shahaadooyinkooda.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadku waxa uu intaas ku daray in ay xil weyn iska sari doonaan sidii loo hubin lahaa aqoonta dadka murrashaxiinta ah, ee ummada xilka u qabanaya.

Guddoomiye Daa'uud, waxa uu ka dhawaajiyey in murrashaxiinta ay ka lumeen shahaadooyinku amma ka baxay dugsiyada sare dabayaaqadii siddeetamaadkii laga doonayo cadayso muujinaya in ay ka luntay amma dugsiga sare dhamaysteen, waxaanu xusay in ay xafiiskoodu samayn doono xeelado iyo waraysiyo uu arrintaasi ku hubinayo.

Sidoo kale waxa ay sheegi doonaan dugsigii ay dhigan jireen, ardaydii ay isku wakhtiga ahaayeen, macaliimiintii u dhig jirtay iyo maamulayaashoodii, taas oo uu sheegay in ay si cadaynta arrintaas loo ogaado heer la dhaariyo la samayn doono.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadku, waxa uu u digay murrashaxiinta isku daya in ay shahaadooyin Been abuur ah la yimaadaan Xafiiska Imtixaanaadka, isaga oo sheegay in aanay soo lugo'in murrashaxiinta aan haysan shahaadooyin sax ahi.

Loading...
Loading...