Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Shuruudaha Laga Doonayo Musharixiinta Doorashooyinka

0
Tuesday February 23, 2021 - 11:19:29 in News by
  • Visits: 1603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Shuruudaha Laga Doonayo Musharixiinta Doorashooyinka

    Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Shuruudaha Laga Doonayo Musharixiinta Doorashooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Shuruudaha Laga Doonayo Musharixiinta Doorashooyinka

Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha Komishanka Tacliinta sare ee Somaliland Saleebaan Dirir Cabdi, ayaa sheegay in ay maalinta berri oo salaaso ah, kuna beegan 23 Feb, ay bilaabayaa qabashada shahaadooyinka laga doonayo murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka ee darajadoodu tahay A, oo ah Shahaado heerka koowaad ee Jaamacadda ah.
May be an image of 1 person and standing



Guddoomiye Saleebaan Dirir, waxa uu xusay in ay shaqada hubinta iyo qabashada shahaadooyinka xeerka doorashooyinka 91/2020 ku waajibiyey murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka ee 7 Degmo ee A ah, ay iyagu Komishan ahaan loo geyn doono shahaadooyinka iyo soyaalka waxbarasho ee Murrashaxiintaasi.

Guddoomiyaha Tacliinta sare, waxa uu ku war geliyey Murrashaxiinta goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka A ah, in shahaadada Jaamacadda ee heerka koowaad iyo weliba Shahaadadii Dugsiga sare ay soo qaataan, isla markaana yimaadaan Xafiiskooda Hargeysa oo u dhow Xarunta Akadamiyadda ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Saleebaan Dirir, waxa uu sheegay in ay aad u hubinayaan Shahaadooyinka, isaga oo xusay in wakhtigan si fudud loo samaysan karo shahaado Jaamacaddeed, si ay taasi uga gaashaantaana ay Shahaadada Dugsiga sare iyo sooyaalkii waxbarasho ee qofka murrashaxa ah la hubin doono.

Loading...
Loading...