Beel Geed Qudhaanjo Leh La Beegsatay Musharrax Ka Tirsan KULMIYE Si Ay Ugu Midoobaan Mid Ay Waddani Geeyeen

0
Tuesday February 23, 2021 - 11:08:32 in News by
  • Visits: 2094
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beel Geed Qudhaanjo Leh La Beegsatay Musharrax Ka Tirsan KULMIYE Si Ay Ugu Midoobaan Mid Ay Waddani Geeyeen

    Beel Geed Qudhaanjo Leh La Beegsatay Musharrax Ka Tirsan KULMIYE Si Ay Ugu Midoobaan Mid Ay Waddani Geeyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beel Geed Qudhaanjo Leh La Beegsatay Musharrax Ka Tirsan KULMIYE Si Ay Ugu Midoobaan Mid Ay Waddani Geeyeen


Hargeysa(HWN):-Beel ka mid ah beelaha Degga Gobolka sanaag ayaa handaad iyo juqu juqayn u gaysatay mid ka mid ah Musharaxiintii Xisbiga Kulmiye ee Ceerigaabo, waxaanay wararku sheegayaan in masuulkaasi saacado kooban la xayiray si uu uga tanaasulo damaciisa uu iskaga sharaxay Xisbiga Kulmiye.



Masuulkan oo magacaasi lagu soo koobay Jamaal oo munaasibad shaacin ah ku qabsaday Magaaladda Ceerigaabo, isagoo iska sharaxay Xisbiga Kulmiye, ayaa shalay laga soo duubay muuqaal ay dad eheladdiisa ka mid ahi ka heleen deegaanka Bohol oo ka tirsan Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, oo uu olole ka waday, waxaana la arkayay koox dhalinyaro iyo waalyeel iskugu jirta oo isku xeertay Masuulkan islamarkaana gardaduub iskugu jabisay.

Muuqalkan oo koobnaa oo xalay lasoo galiyay baraha bulshada ayaa waxa ay ku qaylinayeen dadka xidhayay Musharaxani kalmadahan "Waar hadda xidha Xildhibaanka Xidha, waar ma imaqlaysaa xidha ninka, qilaab ayuu wadaaye Xidha Ninka waa xidha oo halkan ku xidha”.

Dad ku sugan Deegaanka Ceerigaabo oo aanu Xalay Khadka telefanka kala xidhiidhnay si aanu arintan u xaqiijino ayaa noo sheegay inay arintani ka dhacday Tuuladda Boholka oo cabaar u jirtay Magaalada Ceerigaabo, waxaanay noo sheegeen in musharaxaasi lagu xidhay meel ay tolkii degan yihiin. Ujeedada xadhigiisa ayay noo sheegeen in tolkii ay ku khasbayaan si uu uga tanaasulo wax ay ugu yeedheen inuu taladdii tolka gees maray, islamarkaana uu garab cararay nin kale oo ay beeshu isku raacday oo ay talo mid ah lagu geeyay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Dad qaar ayaa noo sheegay in musharaxaasi geed qudhaanjo leh lagu xidhay, halka ay dad kalena noo sheegeen in dadkii deegaanka lafteedu isku khilaafeen oo ay ku kala qaybsameen xadhigiisa islamarkiibana la siidaayay. Xaaladdan ayaa ugub ku ah dalka wakhti doorasho la isku diyaarinayo.


Loading...
Loading...