Dawlada Itoobiya Oo Ka Jawaabtay Warbixin Ay Xildhibaan Ilhaan Cumar Soo Saartay

0
Tuesday February 23, 2021 - 11:03:07 in News by
  • Visits: 1175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Itoobiya Oo Ka Jawaabtay Warbixin Ay Xildhibaan Ilhaan Cumar Soo Saartay

    Dawlada Itoobiya Oo Ka Jawaabtay Warbixin Ay Xildhibaan Ilhaan Cumar Soo Saartay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Itoobiya Oo Ka Jawaabtay Warbixin Ay Xildhibaan Ilhaan Cumar Soo Saartay


Ilhaan Cumar oo ka tirsan gudida arimaha dibada ee Congress-ka Maraykanka ayaa warbixin ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee dalka Itoobiya haatan ka taagan.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan... - Puntland Community | Facebook


Xildhibaanka ayaa ka mid ahayd xubno ka tirsan gudidaas oo dhawaan socdaal ku tagay dalka Itoobiya. "Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda maxaabiista siyaasadeed ee Oromada ah ee uu ka midka yahay Bekele Gerba iyo hogaamiyeyaasha kale ee cunto joojinta ku jira. In loo diido in ay helaan daryeel caafimaad waxay xad gudub cad ku tahay xuquuqdooda aadanaha waxayna sii cakiraysaa xiisadda haatan Itoobiya ka taagan. Xukuumadda Itoobiya waa in ay maxaabiista ula dhaqantaa si waafaqsan hanaanka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee caddaaladda iyo in la ilaalinayo sharaftooda aadamenimo” ayay ku tidhi warbixin xafiiskeeda la soo baxday.

Waxa kale oo warbixintaa ay soo saartay xildhibaan Ilhaan Cumar ay kaga hadashay xaaladda ka taagan gobolka Tigray ee ay dagaalladu ka socdaan, waxaanay carrabka ku dhuftay in colaadda ka socota gobolkaasi dhalisay duruufo aadamenimo oo masiibo noqday oo ay sheegtay in sida qiyaasaha qaarkood tibaaxayaan ay boqolaal kun oo qof macaluul qarka u saaran yihiin.

"Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed waa inuu gargaarka aadamenimo marin u furaa, oo uu ogolaadaa in baadhayeel madax banaaan oo xuquuqa aadanaha aqoon u lihi ay tagaan Tigray si aynu u ogaanno tirada dhabta ah ee gumaadka halkaa laga soo sheegay. Sidoo kale waa inuu qaadaa dhamaan xayiraadda isgaadhsiineed ee saaran oo uu hay’adaha aan dawliga ahayn iyo ururada xuquuqal insaanka u ogolaadaa in ay la xidhiidhaan shaqaalahooda gobolkaa jooga isla markaana u ogolaadaa dadka ku nool Tigray, oo kuwo badan oo dadka i soo doortay ahi ka mid yihiin, in ay qoysaskooda la xidhiidhaan” ayey tidhi Ilhaan oo dhaliilo u jeedisay xukuumadda Itoobiya.

Hase yeeshee warkaa ka soo baxay xafiiska Ilhaan Cumar waxa ka jawaabay danjiraha Itoobiya u fadhiya magaalada Washington ee dalka Maraykanka, Fitsum Arega, oo warqad uu toos ugu diray ku deedafeeyey arimahaa ay sheegtay.

Safiirku waxa kale oo uu u sheegay in uu diyaar u yahay inuu si fool ka fool ah ula kulmo qudheeda oo uu u faahfaahiyo goor alla goorta ay diyaarka u tahay xaaladda Itoobiya ka taagan ee ay ka hadashay.

"Waxaan jecelahay in aan kuu xaqiijiyo in aanay jirin wax walaac keeni karaa. In aad si dhexdhexaad ah oo ujeedo saxan leh u qiimayso xaqiiqada jirtaa waxay kaa shaafiyi karta welwelka aad qabto oo waxay kuu suurto gelinaysaa in aad si dheeli tiran u fahamto xaaladda dhabta ah ee arimaha aad carrabka ku dhufatay” ayuu ku yidhi warqadda uu u diray.

"Xukuumadda Itoobiya way ku gawracan tahay xeerarka iyo axdiyada sharciga caalamiga ah ee dhigaya in maxaabiista oo dhan loola dhaqmo si tixgelin leh oo aan dhaawacayn sharaftooda. Sidaa awgeed, Xukuumadda Itoobiya waxa ka go’an in ay gudato waajibaadkaa saaran oo ay suurto geliso in ay maxaabiistu helaan daryeel caafimaad oo la mid ah ka ay muwaadiniinta dalku helaan, iyo sidoo kale in adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin si bilaa lacag ah loogu fidiyo iyada oo aan lagu kala takoorayn sifo sharci [oo ah in muwaadiniinta qaarkood maxaabiis yihiin iyo in kale]. Hadaan ka hadlo maxaabiista aad magac dhawday, dhamaantood waxay daryeel caafimaad ka helaan Isbitaalada Itoobiya ka ugu wanaagsan oo la yidhaa Tor Hailoch oo ah mid loo yagleelay si uu adeegga caafimaad ugu fidiyo ciidamada qalabka sida ee Itoobiya. Maxaabiista sida la sheegay cuntada ka soomay haatan way joojiyeen cunto ka soomiddii, intoodii u baahnayd daryeel caafimaadna waa loo fidiyey oo haatan caafimaadkoodu wuu fiican yahay” ayuu ku yidhi safiirku warqadda jawaabta ah ee uu u diray xildhibaan Ilhaan.

Colaadda Gobolka tigray ayaa weli taagan inkastoo dowladda Itoobiya ay sheegtay in ay qabsatay magaala madaxda gobolka ee Mekelle. Dagaalkaas waxaa ka dhashay qasaare naf iyo maalba leh. Gulufkaan oo dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Itoobiya iyo xoogagga TPLF waxaa ku barakacay kummanaan shacb ah, kuwaas oo gaaray Suudaan.

 


Loading...
Loading...