Doorashada Somaliland: Shirqoolka Saylici Ee Lagu Horjoogsanaayo Musharaxyada Gadabuursi Ee Maroodijeex.
Doorashooyinka Somaliland ee loo balansan yahay bisha May waxaa ku gadaaman arimo dhagaraysan oo liddi ku ah dimuqaraadiyada iyo xuquuqda dadka, waxaana ka masuul ah xukumadda Muuse Biixi oo soo bandhigtay farsamooyin aan horey looga baran Somaliland. Muuse Biixi oo xisbigii Kulmiye ka dhigay kalageeye, wuxuu markii u horeysay go’aamiyay in gobolka Maroodijeex uu ka hor istaago Gadabuursiga Maroodijeex inuu ka mid noqdo musharaxiintiisa isagoo danno ujeedooyin qabiilaysan uga dan leh. Saylici iyo ina Sheekh Cali Ayaanle ayaa awood u waayay inay Gadabuursi ka sharaxaan Xisbiga Kulmiye ee dibada laga dhigay taasoo muujinaysa halkuu Kulmiye ka taagan yahay Gadabuursi.
Arintaasi markay dhacdey beelaha Gadabuursi ee Maroodijeex iyo Gabiley deggaa waxay ku tashadeen inay musharaxyadooda ka sharaxaan Xisbiga Ucid. Madaxdhaqameedkii beelahaas oo uu horkacaayo Suldaan Ibrahim Jama Samatar ayaa hogaanka Ucid gudoonsiiyay Musharax Abdikarin Aw Aadan Kibaar oo Golaha Wakiilada ah iyo Cabdirashid Maxamad Ducaale, oo Golaha Deggaanka Gabiley u ordaaya. Hogaan dhaqameedka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta Gadabuursi-Bari si’ aan kala hadh lahayn waxay soo xuleen labadaa Musharax ka dib shir balaadhan oo ka dhacay Gabiley halkaas oo si buuxda loogu go’aamiyay in Gadabuursiga Maroodijeex deggan ay taageeradooda u hibeeyaan labadaa musharax kana sharaxaan Xisbiga UCID.
« Uur iyo ilkaba ma qarsoomaane, Shamado ma iftiintay! »
Dhawr maalmood ka dib waxaa soo shaac baxay ficilo ka soo yeedhaaya shaqsiyaad uu hormood u yahay Saylici oo hogaanka UCID u bandhigay laba musharax oo uu jeebka kala soo baxay. Xisbigu wuxuu ka war galiyay in Madaxdhaqameedkii oo uu horkacaayo Suldaankii Ibrahim Jamac Samatar horey ay uugu keeneen musharaxyada Gadabuursi ee Maroodijeex. Arintaas oo fajac ku noqotay hogaanadii iyo dadweynihii Gadabuursi waxay dhalisay in su’aalo badan. Waxaa si’ aan mugdi ku jirin la ogaadey in ficilka Saylici qaadey amba uu wado uu ka dambeeyo Muuse Biixi oo walwal ka qaba in Gadabuursi kursigii horeyba uu ugu lahaa xaqiijiyo, taasi hadday dhacdana Muuse Biixi iyo Kulmiye waxay u arkaan kursi ka lumay maadaamow tartar adag ka dhici doono Maroodijeex. Saylici wuxuu hogaanka UCID taabsiiyay inuu isagu ka mudan yahay Suldaanka Ibrahim Jama Samatar iyo madaxdhaqameed-yada Gadabuursiga Maroodijeex.
Arintaas oo mid lala
yaabay ah waxaa aad uuga horyimid dhamaan Gadabuursi oo ay isku qaban laadahay
Saylici oo dibada ka jooga Xisbigiisii inuu arqaladeeyo kursiga kaliya ee
Gadabuursi ku lahaa Maroodijeex.
Markii arintaas loo kuur galey waxaa soo baxdey in Saylici uu fulinaayo amar ka soo baxay Muuse Biixi oo markay u cadaatay in kuraasta Maroodijeex midkood uu ku fadhiisan doono Gadabuursi ayaa Saylici lagu amray in la kala jabiyo Gadabuursiga Maroodijeex si kursigaasi meesha uuga baxo. Waa la yaabe, waxaa dadkii ka dhaadhici la’ karaamad darada Saylici oo ilaa hadda u shaqaynaaya Muuse Biixi oo isaga ka diiday inuu Kulmiye hal musharax ku yeesho. Markuu Xisbigii uu ka tirsanaa uu qof ka sharixi kari waayay, Saylici wuxuu arin moodey inuu qadaraas u soo qaato luminta kursiga Gadabuursi ee Maroodijeex. Haddayna sidaas ahayn maxaa lagu macnayn karaa inuu Faysal Cali Waraabe wax ka doono isla markaasna toos uuga horyimaado Suldaan Ibrahim Jama Samatar oo suldaankiisii ah? Saylici inuu talo xumadiisu ilaa halkaas gaadhsiiso lama fileyn balse waa tii horey loo yidhi : « Uur iyo ilkaba ma qarsoomaane, Shamado ma iftiintay! ». Ninkii garan baa garane Saylici waa Shamado .
Sidey doonto ha ahaateen, bulshaweynta Gadabuursi ee Maroodijeex waxaa ka go’an inay fuliyaan taladii kalidood ay gaadheen ee ay ku duceeyeen madaxdhaqameedyadoodu, waxgaradkoodu iyo culumadoodu, Saylici oo xisbigiisii dibada laga dhigayna waxba kama badali waayo waxaa si fiican loo fahansan yahay ujeedada ee Saylici. Labo shaqsi oo waraabe-u-taag ah ayuu Muuse Biixi Sayli u soo dhiibay kuna amray inuu ku dhex tuuro Gadabuursiga Maroodijeex si kursigii Gadabuursi lahaa uula wareego Muuse Biixi iyo Kulmiyaha kala geeye noqday.
Gadabuursiga Maroodijeex wuxuu wacad ku maray inay gaashaanka u daruuraan falka dhagaraysan ee Muuse Biixi soo maleegay ee « Saylici-Shamado » qadaraaska ku soo qaatay. Saylici oo miisaan siyaasadeedkiisa laga dharagsan yahay laysma lahayn Muuse Biixi oo siyaasad ahaan qaawiyay ayuu weli qadaraas tolkii lagu dhabarjabinaayo ka soo qaadan. Waa nasiib daro.
Waxaanse kaga ga’maynaa falkaa xaaraanta ah, waayo-aragnimada masuuliyiinta Xisbiga Ucid oo ayna ka daahnayn jiritaan la’aanta wax loogu xisho shaqsiga toban sanno Madaxweyne ku xigeen ah ee dharaar cad masuuliyadii Xisbigiisa laga xayuubiyay ee waliba kuwii qaawiyay u diran ilaa maanta. Maanta oo sanad u hadhay ayuu isku soo qaawiyay inuu lumiyo kursigii hadaf sare lagu keenay ee dadku xaq u lahaayeen. Waa la ogyahay in Saylici awood u waayay inuu hal musharax Kulmiye ka sharaxo. Ucid waa Xisbi ka talaalan Fayriska Saylici-Shamado waana sobobta keenaysa in Xisbiga iyo masuuliyiintiisu ay runta u sheegi doonaan Muuse Biixi oo Saylici iska soo dhigay. Midnimada iyo sharafta madaxdhaqameedka Gadabuursina Saylici iyo asaagiiba ma dhaawici karaan waxaase xaqiiqo ah in Gardabuursiga Maroodijeex xasuusnaan doonaan waxaa Saylici xaragada mooday balse dhagarta ah.
W B T
DALADA GUUD EE GADABUURSIGA MAROODIJEEX/ GABILEY
GABILEY/ SOMALILAND
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!