Isla Doon, Isla Waa, Arrinteenu Miyaa. Aradbaxo Iibso Dharfiican, Uskagii Iska Maydha.

0
Tuesday February 23, 2021 - 09:53:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isla Doon, Isla Waa, Arrinteenu Miyaa. Aradbaxo Iibso Dharfiican, Uskagii Iska Maydha.

    W/Q: Ismail Abdillah Handuleh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillah Handuleh

BISMILAAHI ALRXAMAAN ALRAXIIM{A.S.C.W.R.W.B],

TU KHAAS AHNA BAHADA H/W IYO AKHRISTA YAASHEEDA.

ARADKEEDA HARGEYSA,UMMADU EEBBE KU BEEREEN,

ILWAADII QURUXDEEDA,ARKAHAYN SHARAFTEEDEEDE,

AFKOODAA WAX GELAAYIYO,OON XAARNA KA DOORTE,

AAN AFWEYNE U DHAAMIN,ALBAABADII LA BAXAAYEEN,

OON DADKEEDI KU LAAYEYE,ISTICMAARKI U DHAAMAYE,

ALLAHOOD KA BAQAYNINEE,CAASIMADOODI KU URTAY,

INTAA BUUR KU AGMEERSAN,GOBKA AYDA LA MOODEE,

EEBBAHEEN KU ABUURAYIYO,ILIILADAA DHEXMARAAYEE,

HADDII LOO AGAB QAATO,UBAXA AAD KU AG BEERTAAN,

ISHAADU DOOGSAN LAHAYDIYO,DOOXEEDA EHEL WAAYE,

ILLAAHAY KU MANAYSTAY,U ABUURIN DADKEEDNA,

QURXUDUU SIIYEY ALLUU,EHELKEEDAN U DIIDAYOW,

HADDAYDAAN ANFACAYNIN,OROMADAA BUUXDABA SIIYA,

IDINA AADA XAGGOODO,ORDOO JAADKA AG SEEXDA,

ISLA WAA ISLA DOON,ARINTEENU MIYAA.

CAR HADDAAD ASAL TIIN,IGMADA DOORKAN DAR AADO,

EHEL AHOO KA NAXAAYA,AGOONTAN HARGEYSA,

ASTAANA AAN IDIN SIIYEE,AXMED MOOGE DHASHIISA,

INTAAN SHEEGAY ARKAAYEE,HA U EEGIN QABIILE,

ARADBAXO IIBSO DHAR FIICAN,USKAGII ISKA MAYDHA.

ISMAIL ABDILLAH HANDULEH.
Lis Dairy
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...