Miyaan La Ila Arag

0
Tuesday February 23, 2021 - 09:47:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miyaan La Ila Arag

    W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar
Ku: Muwaadin Kasta oo Damqasho Diineed iyo tu Dhaqan Leh
Ku: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland
Ku: Madax Dhaqameedka Somaliland
Ku: Guddiga Wanaag Faridda iyo Xumaan Reebidda

Ku: Dhammaanba Culimada Reer Somaliland


Ujeeddo: Wax-ka-qabasho

Marka aad salaanta Islaamka ee qaaliga ah guddoontaan kaddib, waxan aad iyo aad uga xanuunsaday/xanuunsadaa mar kasta oo aan arkana dhulku ila wareegaa; fal aad u xun oo dalkeenna laga caadeystay oo beryan dambana faraha ka sii baxaya -gaar ahaanna xilligan lagu jiro ololaha doorashooyinka is-ku-sidkan.


Falkaasi oo dadnimada iyo diintaba ku xumi, waa Fulka ama qoolka ubaxa ah ee ay haweenka iyo gabdhaha yaryari qoorta u galiyaan ragga murashaxiinta ah iyo weliba ragga madaxda ah ama mudanta kalaba!
 

Mudanayaal, idinka oo sharaf leh, arrintaa aan soo tilmaamay oo xishood la'aan ah, isla markaasina shuqul gaalaad ah; waxa loo baahan yahay, in si degdeg ah looga hawlgalo oo loo joojiyo.


Ujeedada aan warkan idiinku soo gudbiyeyna ma aha, in fulka ama qool ubaxeedka la mamnuuco ama joojiyaba, wa Ujeeddo: Wax-ka-qabashoUjeeddo: Wax-ka-qabashoxanse ujeedaa, in la joojiyo hab dhaqankan haweenku ragga caasha saarayaan marka ay ubaxa u gelinayaan!


Maxaa diidaya, in wiilashu ragga ubaxa u galiyey? Gabdhuhuna dumarka u sudhaan ubaxa qoorta?Miyaanse ragga gacanta loogu dhiibi karin, inta haweenku luqunta u sudhayaan!??


Runtii, waa arrin aad u foolxun oo qiiro la'aan ah; sii eegashadeeduna waa Islaanimo iyo edeb la'aan!

Sidaa awgeed, waxan si xurmo iyo xishmadba leh idiinka codsanayaa; in si degdeg ah oo aan loo ka-la-hadhin wax looga qabto arrintaasi.

Miyaan la ila arag
Edaadka dhacay
Miyaan la ila arag
Ooriyaha fakaday
Miyaan la ila arag
Ubaxaa la sido
Miyaan la ila arag
Edebtaa la nacay
Miyaan la ila arag
Islaamka la diley
Miyaan la ila arag
Oday aan xishoon??
>>>>>>>>>>>>>>>>

Wa Billaahi At-towfiiq

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: [email protected]
 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...