Heshiis Ma Laga Gaadhi Karaa Iyadoo Puntland Iyo Jubbaland Ay Maqan Yihiin Doorashada Somaliya?

0
Tuesday February 23, 2021 - 08:56:34 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiis Ma Laga Gaadhi Karaa Iyadoo Puntland Iyo Jubbaland Ay Maqan Yihiin Doorashada Somaliya?

    " niman International la yiraahdo waxay ku hayaan FMS(dowlad goboleedyada) iyo FGS(dowladda federaalka) ha isu yimaadaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" niman International la yiraahdo waxay ku hayaan FMS(dowlad goboleedyada) iyo FGS(dowladda federaalka) ha isu yimaadaan"

Soomaaliya waxaa weli ka taagan khilaafka ka dhashay hannaanka doorashada xilli uusan kala caddeyn goorta si rasmi ah loo qabanayo shir loo wada dhan yahay oo dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada iyo madaxda dowladda Federaalka lagu waday inay ku saxiixaan heshiisii doorashada ee ay soo diyaariyeen guddiga dhianacyada matalayay oo ku dhawaad laba isbuuc ka hor ku shiray Baydhabo.




Shaley waxaa ka Muqdisho ka dhacay shir ay lahaayeen qaar kamid ah madaxda Maamul Goboleedyada, Madaxweynaha , Ra'iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in shirkaasi aysan joogin madaxda maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland


Dowladda Soomaaliya waxay Puntland iyo Jubaland ugu baaqday inay kasoo qeybgalaan shirka qaar kamid ah madaxda Maamul Goboleedyada uga socdo Muqdisho.


"Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021" ayaa lagu yiri hadal maanta kasoo baxay dowladda Soomaaliya.


Ilaa hadda lama ogo waxyaabaha ay soo saareen guddigii farsamada ee kulanka ku yeeshay magaalada Baydhabo kaas oo gogol xaar u ahaa shirkii madaxweynaha uu ku baaqay in uu furmo 18-ka bishan Febraayo kaas aanan qabsoomin ilaa iyo hadda.


Shir ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ku gacan seyray in ay qeyb ka noqdaan shirkaas.

Jubaland ayaa ka qeyb galka shuruud uga dhigtay in dowladda federaalka ay raalligelin ka bixiso dhacdooyinkii 19-kii bishan ka dhashay Muqdisho iyo in ay ballan qaaddo in la hirgelin doono qodobbada kasoo baxa shirka.

19-kii Bishan ayay ciidammada dowladda rasaas ku kala eryeen dibadbaxayaal ay hoggaaminayaan musharixiinta mucaaradka oo doonayay inay dhigaan dibadbaxyo nabdoon oo lagu diidan yahay dib u dhaca doorashada.


Labada maamul ee Jubaland iyo Puntland ayaa sidoo kale shaki geliyay inay ku kalsoonaan karaan ammaanka magaalada Muqdisho haddii ay u tagaan shirka. madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uusan Muqdisho u tagi doonin sababo la xiriira inuu amnigiisa u baqayo.


" niman International la yiraahdo waxay ku hayaan FMS(dowlad goboleedyada) iyo FGS(dowladda federaalka) ha isu yimaadaan. Wadamadooda waxay u qorayaan iyaga ayay jirtaa, laakiin waxaan idiin sheegayaa wax aanan ogeyn inaan Puntland ku metali karo anigu aadi mayo," ayuu yiri madaxweyne Deni oo xaley ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Garowe.


Labada maamul goboleedba waxay sheegeen in aysan aqoonsaneyn dowladda tan iyo markii uu waqtigeeda dhammaaday.


Haddaba, maxaa dhici kara haddii labadan maamul aysan ka qeybgelin shirka?

Maxamed Caalin oo ka falooda arrimaha Soomaaliya ayaa BBC u sheegay inay adagtahay in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada iyadoo shirka ay ka maqan yihiin maamulada Puntland iyo Jubaland.


"Heshiis ay maamulada Puntland iyo Jubaland ka maqan yihiin, Jubaland oo Gedo khilaaf siyaasadeed kaga furan yahay iyo Puntland oo diiddan in dastuurkii lagu xaadgudbay ..markaa wey adagtahay maadama doorasho dadban la aadayo oo ah xeer hoosaadka aan dastuurka ku qorneyn ee 4.5"


"Doorasho haddii aysan aheyn hal qof iyo hal cod ah oo ay tahay doorasho beel ku dhisan, wey adkaaneysaa mar kasta waa in doorashada loo dhamaadaa oo saamileyda siyaasadda iyo musharraxiinta xilka madaxweyne iyo Maamul Goboleedyada ay kasoo qeybgalaan heshiis siyaasadeedna la gaaraa maadama doorashada aanay ku dhisneyn dastuur," ayuu yiri Maxamed Caalin


Muddaaharaad hor leh

Midowga Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay isu soo baxyo cusub maalinta Jimcaha ee bishan ay ku began tahay 26 kadib markii laga hor istaagay dibadbaxyadii ay dhigayeen Jimcihii la soo dhaafay


Dawladda ayaa horey u sheegtay in la joojiyay dhamaan isu imaatinnada sababo la xiriira sidii loo xakamayn lahaa cudurka Covid19.


Midowga Murashaxiinta waxa kaloo ay dhaliil u jeediyeen wakiillada beesha caalamka oo ay ku sheegeen inay doonayaan inaanay waxba la soo qaadin shaqaaqooyinkii Muqdisho ka dhacay 19 kii bishan.


Beesha Caalamka ayaa marar badan sheegtay in xal u helidda xiisada ka taagan siyaasadda Soomaaliya ay ku jirto dhameystirka heshiiskii ay madaxda dalka gaareen 17-kii September 2020 ee lagu faahfaahiyay hannaanka doorashada.


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa galabta lagu wadaa in uu kulan ka yeesho jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya kadib rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

BBC

Loading...
Loading...