Amar La Dul Dhigay Donald Trump

0
Tuesday February 23, 2021 - 08:50:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amar La Dul Dhigay Donald Trump

    "wuxuuna go'aanka maxkamadda ku tilmaamay "mid siyaasadeysan".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"wuxuuna go'aanka maxkamadda ku tilmaamay "mid siyaasadeysan".

Maxkamadda ugu sarraysa Mareykanka ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas, Donald Trump ku amartay in uu xafiiska dacwad oogista ee New York ku wareejiyo dhammaan dukumentiyada la xiriira canshuur celinta iyo xisaabihiisa kale.




Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa horay u diiday in uu soo bandhigo waraaqaha la xiriira canshuur celintiisa muddo sannada ah, maadaama sharciga uu dhigayo sidaas. Maxkamad hoose ayaa amartay in dukumentigaas uu yahay mid khuseeya baaritaan dembi.


Go'aanka maxakamadda kama dhigna in dukumentigaas xilligan loo soo bandhigayo dadweynaha balse khubarada sharciga waxay sheegeen inay tahay mid lagu ogaanayo, laguna baarayo sax ahaanshaha canshuur celinta qofka, lagana yaabo in dib dadweynaha looga soo bandhigo haddii ay noqoto in wax dembi ah lagu helo.


Go'aanka maxakamadda sare ee Mareykanka ayaa la aaminsan yahay in uu culeys ku yahaya Donald Trump oo in muddo ah ku jiray dagaal ah sidii uu u difaaci lahaa diiwaanka xisaabaadkiisa.


Bartamaha sanadkii hore, maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa xukuntay in dukumentiga canshuur celintia Trump ay qiimeeyaan xafiiska dacwad oogista ee New York.


Haseyeeshee qareenadii matelayay Mr Trump ayaa go'aankaas kasoo horjeestay, iyagoona ku dooday mid aan wanaagsaneyn balse maalin kahor, maxkamaddu waxay ku gacan seyrtay doodad qareenada madaxweyne Trump.


Sida ay kusoo warrameen qaar kamid ah warbaahinta Mareykanka, tani waxay ahayd fursaddii ugu dambeysay ee u furneyd madaxweyne Trump oo aqalka cad ka tegay bishii hore.


War qoraal ah oo uu soo saaray ayaa Mr Trump waxaa uu xafiiska dacwad oogaha ee New York ku eedeeyay kuwa isaga bartimaameedsanaya, wuxuuna maxkamadda sare ku dhaliilay go'aanka ay gaartay.


Arrintan maxay salka ku heysaa?

Xafiiska xeer ilaalinta ee Manhattan ee dalka Mareykanka Cyrus Vance, oo katirsan xisbiga dimuqradiga ayaa in muddo ah ku raad joogay sidii uu gacanta ugu soo dhigi lahaa xogta la xiriirta canshuurta uu bixiyo madaxweyne Trump.


Mr Vance ayaa in muddo ah baaritaan ku hayay eedeymo ah in madaxweyne Trump uu doorashadii 2016-ka bixiyay lacag aad u badan, lacagtaas oo la sheegay in uu siiyay laba haween ah oo uu xiriir kala dhaxeeyay.


Xeer ilaalinta waxay ku andacoodeen in helitaanka dukumentigaas uu muhiim u yahay eedeymaha loo heysto. Lacagahan ayaa la sheegay in uu bixiyay qareenkii hore ee madaxweyne Trump, Michael Cohen, lacagahaas oo la kala siiyay iyo Karen McDougal.


Mr Trump ayaa beeniyay in wax xiriir ah uu kala dhaxeeyay haweenkaas, wuxuuna go'aanka maxkamadda ku tilmaamay "mid siyaasadeysan".


Madaxaweynihii hore ee Mareykanka ayaa lacago badan ka dhaxlay aabihii, wuxuuna sidoo kale lacago badan ka macaashay dhismaha guryaha, waxaase uu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay tan iyo 1970 ee aan dadweynaha usoo bandhigin canshuur celintiisa.

 

BBC

Loading...
Loading...