Ciidanka Somaliland Ee Tukaraq Jooga Oo Gadooday Mushar La'aan Awgii

0
Monday February 22, 2021 - 19:15:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Somaliland Ee Tukaraq Jooga Oo Gadooday Mushar La'aan Awgii

    "Tan iyo xaleyna waxa kala xidhnaa isu socodka Gaadiidka laascanod iyo garoowe"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tan iyo xaleyna waxa kala xidhnaa isu socodka Gaadiidka laascanod iyo garoowe"

Hargaysa (HWN) Waxaa Maanta Gadood sameeyey ciidamadii Somaliland Ee ku Sugnaa Magaalada laascanod iyagoo kala xidhey wadada laamiga Ee Tukaraq Garoowe iyo laascanod isku xidha



Tan iyo xaleyna waxa kala xidhnaa isu socodka Gaadiidka laascanod iyo garoowe.


Sababta ciidamada u Gadoodeen Waxaa lagu sheegey Mushahaar la'aan iyo xuquuqdoodii oo ka maqan in mudo ah , taasina waa sababta ay usameeyeen Gadoodkan.


Wax wada hadal ahna  Way ka diideen masuuliyiintii ciidamada Oo uu ugu horeeyo Taliye Nuux Taani, Waxaana ay  Sheegeen Ina Muuse Biixi  Mooyee Cida Kale Aanay La Kulmayn, Arinta ay Foolxumo Weyn Ku tahay  Ciidanka Qaranka Somaliland Oo ay Noqnayso  Markii Ug Horeysay Muddo Badan Oo La Arko Ciidan Somaliland Ah Oo  mushahar la’aan awgeed gadooday.

 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

Loading...
Loading...