Odayaal Qorsheeyey Inay Laba Musharax Xidhaan, Dalab Ay Ula Tageen Muuse Biixi Iyo Jawaabta Uu Siiyey.

0
Monday February 22, 2021 - 17:52:41 in News by
  • Visits: 2481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Odayaal Qorsheeyey Inay Laba Musharax Xidhaan, Dalab Ay Ula Tageen Muuse Biixi Iyo Jawaabta Uu Siiyey.

    Odayaal Qorsheeyey Inay Laba Musharax Xidhaan, Dalab Ay Ula Tageen Muuse Biixi Iyo Jawaabta Uu Siiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Odayaal Qorsheeyey Inay Laba Musharax Xidhaan, Dalab Ay Ula Tageen Muuse Biixi Iyo Jawaabta Uu Siiyey.


Hargeysa(HWN):-Warar Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ka diiday Koox odayaal ah Dalab cajiib ah oo ay ula tageen kaasi oo ku saabsan in lasoo xidho laba musharax oo kale oo iska soo sharaxay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.

Madaxweyne Muuse Biixi oo kala laabtay Heshiiskii Shirkadihii Samaynjiray Lambarada Baabuurta & Buugaagta Gawaadhida – CBATV


Sida uu bartiisa Facebookga ku baahiyay islamarkaana uu khadka Telefanka noogu xaqiijiyay Calaawi Cabdi Gaboobe, waxa ay Odayaashani oo ay soo abaabuleen koox kale oo musharaxiin ah oo ka sharaxan Xisbi Xaakimka Kulmiye ay u tageen Madaxweyne Biixi, waxaanay ka dalbadeen in lasoo xidho islamarkaana laga kala daadiyo Munaasibad Xaflad ah oo ay Huteel Maansoor ku balansadeen maalin saddexaadddii, waxaana uu noo sheegay in Madaxweyne Biixi uu ka diiday odayaashaasi Dalabkaasi ay ula tageen.

Qoraalka uu soo dhigay Siyaasi Calaawi Cabdi Gaboobe Bartiisa Facebookga isla maalintii Munaasibadda Shaacinta labadan Musharax ayaa waxa uu ku yidhi"Madaxweyne Muuse Biixi Wuu Asiibay Diidmada Dalabkii Odayaasha Kaalinta In La Soo Xidho Baashe Cabdi Gaboobe Iyo Yaasiin Abdillaahi Xaashi!!! Waar Ma Kuwaasa Tol Ah”.

Odayaashan ayaa sida uu warkani nagu soo gaadhay duulaan ku ahaa islamarkaana doonayay in xabsiga loo taxaabo siddii labadii Musharax ee hore ee Xabsiga la dhigay, Musharaxiinta kala ah Baashe Cabdi Gaboobe oo u tartamaya Kuraasta Golaha Wakiilada Somaliland iyo Yaasiin Cabdilaahi Xaashi Cilmi oo isna u tartamaya Golaha Deegaanka Hargeysa, kuwaasi oo iska dhex sharaxay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID islamarkaana munaasibadii Shaacintooda doraad ku qabsaday Huteelka Maansoor ee Hargeysa.

Sida uu noo sheegay Baashe Cabdi Gaboobe, waxa uu Madaxweyne Biixi ka gaws qabsaday dalabkaasi waxaana uu u sheegay in labadii musharax ee hore laftooda oo aanu waxba kala socon ay cabashadoodu meel walba ka dhacday, isagoo odayaashaasi u sheegay inaanay ku wareerin arintani ee ay u daayaan inay inamadaasi iskood u tartamaan, oo uu mid waliba isku diyaariyo tartan xor ah, waxaanu sida uu noo sheegay meel adag ka istaagay in munaasibadda Shaacinta labadan Musharax Baashe Cabdi Gaboobe iyo Yaasiin Cabdilaahi Xaashi oo isla maalintaasi ka qabsoontay Huteel Maansoor in la carqaladeeyo iyadoo cid kale loo danaynayo.

Waxa uu Calaawi Cabdi Gaboobe ku amaanay Madaxweyne Biixi go’aanka uu ka qaatay dalabka ay ula tageen Kooxda odayaasha ahi oo uu ku sheegay mid ehelnimadda ka baxsan oo sii kala fogaynaysa dadka walaala ah oo isjecel.


Loading...
Loading...