Maxay Yihiin Ciidamada Uu Cabsida Ka Muujiyay Madaxweyne Deni?

0
Monday February 22, 2021 - 16:54:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Yihiin Ciidamada Uu Cabsida Ka Muujiyay Madaxweyne Deni?

    "Nimankan sida loo tabaray aniga shaki weyn baa iga jira,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Nimankan sida loo tabaray aniga shaki weyn baa iga jira,"

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa xalay Garowe ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Soomaaliya. Waxyaabaha uu sida gaarka ah uga hadlay waxaa kamid ahaa ciidamada dowladda Federaalka ee Haramcad iyo Gorgor, kuwaasi oo ku tilmaamay in ay khatar dhanka amniga ah u horseedeen dalka.




"Horta gorgorkaan la sheegayo aniga waxaan ku maqlay maalin la yiri Galmudug baa la keenay oo uu dagaal ka socday, Gedo in la geeyayna waan maqlay, halka ugu dambeeysay ee ay ka dagaalameena waxay aahyd Daljirka Daahsoon," ayuu yiri Deni.


Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in uu sameeyay baaritaan ku aaddan ciidamada Gorgor iyo Haramcad, waxa uuna ku tilmaamay in ay aad u tira baadan yihiin dabaabaadna wataan, hadduu tiradadooda uu sheegana "uu diidayo in uu Soomaalida ka nixiyo".


"Nimankan sida loo tabaray aniga shaki weyn baa iga jira, marka wax naxariis ah oo ay leeyihiina ma jirto, dadka waxa xun looma sheego laakin waan qarsan waynay," ayuu yiri isaga oo ka hadlaya ciidamadaas sida gaarka ah u tababaran.


Muqdisho waxaa ku sugan madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed kuwaas oo shalay kulan la yeeshay madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha dowladda Federaalka.


Kulanka waxaa ka maqan madaxda Puntland iyo Jubaland oo la filayay inay ka qeybgalaan shirka looga arinsanayo talo-jeedinta guddigii farsamada ee bartamihii bishan ku shiray magaalada Baydhabo.


Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa sidoo kale hadal ka jeedintiisii xalay ku muujiyay in hadda uusan diyaar u ahayn ka qeybgalka shirkaas.


"Waxaa meesha soo socda niman International la yiraahdo oo FMS iyo FGS ha isu yimaadaan ku haya. Wadamadooda waxay u qorayaan iyaga ayay jirtaa, laakiin waxaan idiin sheegayaa wax aanan ogeyn inaan Puntland ku metali karo anigu aadi mayo," ayuu yiri Deni.


Haddaba Maxay yihiin Ciidamadan uu ka cabsida k muujiyay Madaxweyne Deni?


Ciidamada Haramcad

Ciidanka Haramacad oo katirsan booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la asaasay markii uu xukunka qabtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana ciidan si gaar ah loogu tababaray ka hortagga rabshadaha iyo dagaallada ka dhaca magaalooyinka.


Ciidankan oo tiro ahaan lagu qiyaasay kun askari ayaa waxaa tababaray dowladda Turkiga oo gudaha dalkeeda u qaada, halka qaarna ay tababarka ku qaataan xerada TurkiSom ee Muqdisho.


Inta badan hubka ay wataan ayaa ah mid fudud, waxaana ay u carbisan yihiin shiishka iyo hawlgallada qorsheysan.


Tuutaha ay wataan askarta Haramacad ayaa ah mid ka duwan ciidamada kale ee booliska, waxaana intooda badan ay horay uga tirsanaayeen ciidanka nabadsugidda ee NISA, sida uu BBC-da u sheegay Cabdisalaam Guuleed, taliye kuxigeenkii hore ee NISA.


Ciidamadan oo waayihii dambe soo shaac baxay ayay dad badan dowladda ku dhaliileen inay u adeegsato dano siyaasadeed, cududda ciidmaadanna loo baahnaa in loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.


Ciidanka Haramacad ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa ciidankii la geeyay magaalada Baydhaba xilliga doorashada Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale loo daabulay qeybo ka mid ah gobolka Gedo.


Haramacad ayaa u badan rag dhallinyaro ah, waxaana taliye u ah nin da' yar oo lagu magacaabo Farxan Maxamuud Qaroole oo ah dhallinyaro.


BBC-da ayaa isku dayday inay xiriir la sameyso mas'uuliyiinta dowladda, si ay uga jawaabaan dhaliilaha loo jeediyay ciidankan, hase yeeshee way ka gaabsadeen inay ka hadlaan


Sidoo kale ciidamada Haramacad waxay qeyb ka ahaayeen ciidamadii Ahlu-Sunna ka saaray Dhuusamareeb ka dib dagaal ka dhacay halkaas.

 

BBC

Loading...
Loading...