Maxay Beesha Caalamku Ka Tari Kartaa Xaaladda Ka Taagan Soomaaliya?

0
Monday February 22, 2021 - 16:39:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Beesha Caalamku Ka Tari Kartaa Xaaladda Ka Taagan Soomaaliya?

    "Inta badan beesha caalamka waxa ay aaminsan yihiin in arimaha Soomaaliya Soomaalida faraha looga qaado"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Inta badan beesha caalamka waxa ay aaminsan yihiin in arimaha Soomaaliya Soomaalida faraha looga qaado"

Waxaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kulan ka yeesho siyaasadda cakiran ee Soomaaliya, kadib rabshadihii todobaadkii hore ka dhacay caasimadda Muqdisho.




Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa khudbad ku aaddan marxaladihii u dambeeyay ee dalka ka jeedin doona kulanka.


Muqdisho waxaa ku sugan madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed kuwaas oo shalay kulan la yeeshay madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha dowladda Federaalka.


Kulanka waxaa ka maqan madaxda Puntland iyo Jubaland oo la filayay inay ka qeybgalaan shirka looga arinsanayo talo-jeedinta guddigii farsamada ee bartamihii bishan ku shiray magaalada Baydhabo.


Beesha Caalamka

Beesha Caalamka ayaa marar badan sheegtay in xal u helidda xiisada ka taagan siyaasadda Soomaaliya ay ku jirto dhameystirka heshiiskii ay madaxda dalka gaareen 17-kii September 2020 ee lagu faahfaahiyay hannaanka doorashada.


Khilaaf ka dhashay qodobo kamid ah heshiiskaas ayaa horseeday in kulan ay madaxda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ku yeesheen Dhuusamareeb horraantii sanadkan uu ku soo idlaado natiijo la'aan.


Hogaamiyayaashaas ayaa kadib guddi farsamo oo ka kooban 14 xubnood u diray magaalada Baydhabo, waxaana guddigu shaaciyay in laga heshiiyay dhammaan qodobadii la isku hayay.


Kulan ay madaxtooyada Soomaaliya ku baaqday in madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadiir ay Muqdisho isugu tagaan 18-kii bishan ayaa la filayay in dhinacyada ay ku kala saxiixan doonaan heshiiska ay gaareen guddiga farsamada.


Jibril Cali Aw Maxamed oo culuunta Afrika ka dhiga jaamacadda Ohio ayaa qaba in Beesha Caalamka ee ku lugta leh Soomaaliya aanay sidii hore ahayn.


"Doorashooyinkii hore waxaa gacanta kula jiri jiray beesha caalamka oo kaalin muuqata ku lahaan jirtay. Beesha caalamka hadda waxaa ku dhacay isbedal oo Igad, gaar ahaan Itoobiya dhibaato ayaa dhaxdeeda ka taagan. Maraykanka iyo Ingiriiskana dhibaatooyin u gaar ah ayaa soo maray oo bedalay hadafkooda. Marka beeshii caalamka ayaa kala aragti ah marka laga hadlayo arimaha Soomaaliya," ayuu yiri Jibril.


Aqoonyahankan ayaa rumaysan in faragelinta beesha caalamka ay lama huraan tahay.

"Inta badan beesha caalamka waxa ay aaminsan yihiin in arimaha Soomaaliya Soomaalida faraha looga qaado, oo ay go'aan ka gaaraan sida masiirkooda ay ka yeelayaan, halkii markii hore ay ahaan jirtay in wax loo yeeriyo Soomaaliya. Wey soo faragelin doontaan, balse saameyntii hore ma yeelan doonaan," ayuu hadalkiisa raaciyay.


Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.


BBC

Loading...
Loading...