Arradnaanta Hargeisa Iyo Inamada Sharaxan

0
Monday February 22, 2021 - 11:25:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arradnaanta Hargeisa Iyo Inamada Sharaxan

    Qalinkii: MohamedNasri Ahmed omar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii: MohamedNasri Ahmed omar

Wadankasta oo aduunka ku yaala waxa uu leeyahay caasimad "capital city” taas oo ah muraayada dalka ama meesha laga dheehan karo horumarka iyo waxqabadka wadanka, hadaba waxaynu leenahay caasimad taas oo ayku noolyahiin dad ku dhaw hal milyan iyo badh "1.5 million” waa magaalo ay hagradeen dawladeedi iyo dadkeedii si wadajir ah.

 

Malaha  laha Adeegyadii Ay bulshadu u baahnaayeen badankooda ama gabi ahaantoodba sida, biyo ku filan bulshada ku dhaqan magaalada, Cusbitaalo casri ah oo dawladeed oo laga hello Adeegii caafimaad ee Bulshadu U baahnayd, Wadooyin Hagaagsan oo Gaadiidku maro, Laydh Dawladeed oo Qiimo jaban ah. Waa magaalo ay ka shaqaysteen dadkii u shaqayn lahaa iyagoo kaga mashquulay inay naftooda wax taraan iyo hanti boob umadeed halkay caasimada u hagar bixi lahaayeen.

 

Hargeisi waxay tabaysaa adeegyo ka badan intaa aan kor kusoo xusnay oo aynaan halkan kusoo koobi karin, caasimada dawladeedii habeen kamay hadal dhibka ka jira dadkeeduna waa la mid mana jirto cidkula xisaabtantay cidii dayacday ee boogaha iyo nabarada ku yaala ku dhufatay

 

Ma is waydiisay sababta ka dambaysa in hargeisa noqoto magaalo aan lahayd adeegyadii aas aasiga ahaa ee bulsho waynta ku nool u baahnaayeen?

 

Waa magaalo dawladeedii, aqoonyahankeedii iyo indheer garadkeeda ay ka gaabsadeen dhibataada iyo diifta ka muuqata.

 

Hargeisa Xildhibaano deegaan oo Noocee ah ayay u baahantahay?

 

Hargeisa uma baahna xildhibaan uso shaqo taga, xildhibaan usoo urursi taga, xildhibaan uso dhul doonta, xildhibaan reerkooda dadka u booba iyo xildhibaan hantida ummada xada. Waxay tabaysaa xildhibaan sooma oo caasimada waxtara, xildhibaan xaaraanta iyo xalaasha kala yaqaana oo aan mushaharkiisa ka badsan, xlidhibaan jecel oo ayka go’antahay horumarka caasimadu iyo xildhibaan ay damqayso diifta iyo daranyada caasimada ka muuqataa.

 

 

Xildhibaanada golaha deegaanka soo socda wax maka badali karaan hargisa?

 

Markaan fiirino ififaalaha iyo musharaxiinta qaabka laguso xulanayo oo ah mid ay oday dhaqameedyo iyo beelo dabada ka riixayaan, markaan eegno inaan laguso xulan aqoon iyo waayo aragnimo balse laguso xusho arimo ka duwan midaas waxay u badantahay in aan waxbadan iska badalin sababtoo ah waxay ahaan doonaan safiiro u fadhiya reerkii soo doortay iyo dad naftooda u shaqaysta oo shaqsiyadooda horumariya.

 

Talo ku socota innamada sharaxan

 

Waxaan jeclaystay inaan uso jeediyo talo musharaxiinta sharaxan ee doonaya inay innagu matalaan golaha deegaanka ee caasimada iyo magaalooyinka kaleba.

Waxaad qaadaysaan masuuliyad taas oo culayskeeda leh.



Waxaan idiinsoo jeedinlahaa inaad bulshadiina iyo dadkii idin soo doortay aad ugu shaqaysaan si hagar la’aan ah, si daacad ah oo aan lahayn khiyaamo iyo wax isdaba marin.

 

 

Talo ku socota sadexda xusbi qaran

 

Sadexda xusbi qaran waxaan usoo jeedin lahaa in aanay mar labaad aqbalin inay iskaso sharaxaan dadkii caasimadeenan aradan sidanka yeelay, waxay ahayd in lagula xisaabtamo balse ayaan daro may dhicin ismana lahi way dhacaysaa sababtoo ah cidii la xisaabtami lahaydbaa aan dareensayanba.

 

Qalinkii: MohamedNasri Ahmed omar

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...