Axmed Mu'min Seed Ma Wasiirka Booyadaha ee Somalilaanbaa?
Waxaan ka qoray maqaalo hore oo aan mid ka midah ku faaleeyay ka uu yahay Axmed Muumin Seed iyo suaalsha ah Axmed ma Wasiirka Beeraha ee Somalilandbaa mise waa hawo saadaaliyaha Somaliland? kaasi oo aan ku faaleeyay isqabsi ka dhex aloosmay isaga iyo Faysal Sheekh oo ah Agaasimaha Aafooyinka, Eebbe ha inaga hayee aafooyinkaa uu u magacaaban yahay taagba uma hayno haddii ay noqoto mid dawladeed iyo mid ibnu aadamba e. taasi oo ah shaqo ay qabtaan cimilo saadaaliyayaal warka ka dib(After the Main News) adduunyadda oo dhan.
Bacdamaa Somaliland ka duwan tahay adduunka oo wax walba sida kale loo akhriyo, iyadoo ka sii dartay intii uu ku habsaday xukunka Somaliland Muuse Biixi Cabdi (Rakaab xume) oo uu noqday gollihiisii wasiiraddu kuwo ah ciyaala malcaama iyo kuwo dad waaywayn ah. Tusaale ahaan Hinda Gaani oo uu dhawaan eryay ka dib markii uu ka dhex arki waayay inay uga soo ololayso gobolkii Togdheer ee ay u dhalatay taasi oo daaqadda uun dhawaan ka baxday iyo midhadh kale oo ay ka mid tahay Shugri Baandare oo ku fashilantay inay siyaasad cad ka lahaato wasaaradda ay wasiirka ka tahay ee deegaanka oo aanay ka muuqan aqoon durugsan oo ay ugu hiilin karto deegaanka sii saqiiraya ee Somaliland, iyadoo aan lahayna wax xirfad ah oo balaadhan oo ku saabsan fahamka deegaanka iyo cimiladda sii kululaanaysa ee adduunka (Global warming / Climate Change).Waxaa isna kuwaa weheliya xagga da’da kuwa ka roon roon ciyaala malcaamaha, sida Sheekh Khaliil oo isna ka mida kuwa aan lahayn hogaamin wasaaradeed oo aad moodo in laga daaro Nairobi oo Sheekh Ummal uu halkaa ka xukumo oo aan shacabka Somaliland u kala fasili karin inay barri ciid noqonayso iyo in kale siddii dhacday 9 bilood ka hor ee la isla oogsaday uun 2-dii Habeenimo inay barri ciid tahay.
Aan
u soo noqdo Axmed Muumin Seed oo aanay aqoontiisa waxbarsho dhaafsiisnay ilaa
heer dugsiga dhexe, sida uu ii sheegay nin aanu saaxiib nahay; mar la waydiiyay
wax aqoon ah ma u leedahay beeraha? intii aan loo magacaabin Wasiirka Beeraha
uu ku jawaabay "Haayo aabbahay ayaa lahaan jiray laba dibi oo aanu beertayadda
ku qodno, sidaa daraadeed wax waan ka aqaan beeraha.” Waxaad mooda in uu ka
dhacsan yahay beeraha laga hadlayaa inay yihiin kuwo qaran oo Ceelaayo ilaa
Saylac ah, taasi oo ay sababtay sida xaalkeena siyaasadeed yahay ee reer hebel
halkaa sii iyo siyaasadda Muuse (Wax ma yaqaan) eeku dhisan iga-geedda. Allow
Somaliland u hiili.
Axmed
waa uu ku wareeray xilkii iyo masuuliyaddi la saaray oo waakaas marna hawada
iyo duufaano meel heblayo ku soo fool leh saadaalinaya. Marna xanbaarsan nin
indhoyarta shiinaha ah oo la yidhi geed sun ah ayuu banka Wajaale ku beerayaa,
illaa muwaadin reer Somaliland ahi ka soo gaadhay, kaasi oo cilmi baadhis ka
dib fashiliyay in geedkani sun yahay. Dhacdadaas oo Axmed Muumin u rogtay Wasiirka
sun beerista ee Somaliland. Waar anagaa wax aragnay!Ilayn wasiir aan loo
sheegin waxa ay shaqadiisu tahay oo male-awaal ku socda oo meeshuu doono
jibaaxayaa kama duwana sidii Cabdi Haybe Laambad, markii uu jilayay Ina-Xaaji
Mataan, kaasi oo Alle ha u naxariisto’e uu Axmed Xuseen (Jigjigaawi) ku
tilmaamay mid meeshu doono iska gala oo ilaa xeryaha jaandamaariga daf iska
yidhaahda oo aan ciddina xaalayn.
Allow madax xumo Somaliland ma ragaadisay! Waxa jirtay mar aan la soo xidhiidhay Axmed Muumin Seed iyadoo aan u sheegay in bal la inoo soo tababaro dhowr arday sannad kasta oo aan magaca dawladda Somaliland ku waydiisanno jaamacad ku taal dalkan UK oo aan ku noolahay.Qoraalo badan oo aanu is waydaarsanay kadib waan ka hadhay isku daygaa, kadib markii aan arkay inaan wasiirku wax faham ah u lahayn hawshan aan ka sheekaynayo taasina ay iigu cadaatay sida dharaarta ilayn waa nin fahamkiisu aanu dhaafsiinnayn labo dibbi oo beer lagu qodo’e.
Waxayse
u darayd markii toddobaadyo ka hor gollaha guurtidda Somaliland u yeedheen bal
si wax looga waydiiyo hawlaha iska baylahda ah ee uu qaranka ugu magacaaban
yahay, lama odhan karo hawlo ayuu hayaye. Haddii uu sidii la rabay uu hayo,
isaga iyo kuwa kaleba dalku waa uu dhaami lahaa xaalkan uu hadda ku sugan yahay
oo hore ayaa loo socon lahaa. Yeedhmadaas Guurtidda waxa ka soo baxday yaabka
yaabkii iyo amankaag!Ka dib markii uu Wasiirku af labaddii yeedhay in ay
hortaagan yihiin wax soo saarkii dalka nimanka beeraha leh, kuwaasi oo halkii
ay ka soo saari lahaayeen wax soo saar, biyihii ceelashoodda ka iibiya booyadaha
oo ka raadiya macaash badan. Mudane wasiir, beeralayduxor ayay u yihiin inay
biyaha ceelashoodda iibbiyaan iyo inay wax beeraan kolba tay door bidaan ee mee
qorshihii wax soo-saar qaranku oo dusha ka saaran adiga iyo xukuumadda aan wax
badan ogayn ee aad ka tirsan tahay?
Waa xukuumadda cidda looga baahan yahay inay la timaado qorshe qaran oo dalka loogu soo saarayo cunto ku filan mase haysid. Sidaa si la mid ah wasiirka biyaha ayay tahay inuu isna la yimaado qorshe qaran oo biyo ku filan dalka loogu soo sarayo.Halka aad ku haysato ceel qofkii qotay ama uu booyaddo ka iibbinayo ama ku waraabinayo beertiisa. Waxa la idiinka fadhiyaa inta aad iskaashataan adiga iyo wasiirka biyuhu lana timaadaan xal dalka loogu helo biyo ku filan. Si markaa Wasaaradda Beeruhuna dalag ku filan u beeri karto, Wasiirka biyuna uu biyo la cabbo waxna lagu beerto uu dadkaga iyo dalka ugu heli karo.Haddii kale halkaa la fadhi Wasiir haraad, gaajo, wax soo saar la’aan kuna sifow wasiirka booyadaha ee Somaliland.
Qore:Cabdi Muxumed
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!