Murti Laga Reebay Dad Maangal ah. Q…. 5aad

0
Monday February 22, 2021 - 10:55:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1021
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murti Laga Reebay Dad Maangal ah. Q…. 5aad

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

=” Reer Galbeedku waxa ay bartaan taariikhda ilaa ay ka ogaadaan khaladkooda taasi oo qayb weyn ka qaadata in ay dhisaan mustaqbal wanaagsan oo lagu najaxo. Laakiin dawladaha Carbeed waxa ay bartaan taariikhda ilaa ay ka xaqiiqsadaan in hebel uu hebel ka fiicnaa, hebelna uu hebel ka geesisanaa iyaga oo hilmaama ahmiyadda khaladaadkii dhacay wakhtiyadii hore iyo sida ay laga maarmaan u tahay in cashar wanaagsan laga barto”. Cali Al-Wardi.



=” Wakhtigaaga qaaliga ah ha ku bixin la joogista dadka caqliga madhan ee hada iyo jeer ku mashquula ceebaha dadka kale, xumaanta aan ka xishoon, ee afkooda aan kantarooli Karin. Waxba kuma kordhinayaan noloshaada oo aan ka ahayn in ay kuu gudbiyaan suntan xun ee qalbiyadooda ku jirta oo haddii ay ku soo gaadho kaa qaadi doonta farxadda ay naftaadu dareemayso.” Dr Zakir Naik.


=” Hal safar oo aad ku tagto dibadda wuxuu ka dhigan yahay akhrinta kun buug oo kala nooc ah, taasina waxa ay caddeyn buuxda u tahay dhibaatada adag ee ay leedahay nolosha qurbuhu mar haddii aad ka dhaqaaqdo waddankaaga. Mustafe Amin.


= " Ha ku bixin wakhti badan in aad dadka kale ka fiicnaato, ee ku dedaal in aad naftaad beddesho waayo caqliga qofku wuu yaraadaa marka uu cid kale ku mashquulo ama baratan adag uu ka dhexeeyo qof kale, halka uu dhanka kale kordho garaadkaagu marka aad naftaada ku mashquusho adiga oo u arkaya in mihiimada koowaad ay tahay dantaada gaarka ah in aad u istaagto”. William Shakespeare.


=”  Casharka ugu xannuunka badan ee loo baahan yahay in qofku nolosha ku barto waxa uu yahay in dadka badankoodu aanay wanaag iyo horumar kula doonayn in aad gaadho”. Dan Irvin Rather Jr.


= " Culimada aqoonta u leh cilmi nafsigu waxa ay sheegeen in wakhtiga keliya uu ninku dareemo xasillooni ay tahay marka gibilkiisu uu taabto carrada maadaama oo Nebi Aadan ‘sc’ laga abuuray dhoobada. Sidaasi si la mid ah dumarku waxa ay raaxo dareemaan goorta uu madaxeedu ku nasto xabadka ragga taasi oo ay ugu wacan tahay in billowgoodii hore laga abuuray feedha ragga”. Lam garanayo cidda tidhi.


=” Waajib naguma aha in aan sugno inta jawiga baddu uu ka degayo balse waxa khasab ah barashada qaabkii aan badda uga kalluumeysan lahayn xittaa marka ay mowjadaha daran iyo dabeylaha xoogga badani kacsan yihiin”. Socrates.


=” Kuwa runta sheega ma yaqaanaan in ay weji kale oo aan looga baran la soo baxaan maxaa yeelay marka ay ku hammiyaan in ay midab kale iska yeelaan waxa ka horyimaada wanaagga qalbiyadooda ku keydsan. Gibran Khalil Gibran


= " Dhibka ugu badan ee ina haysta waxa uu yahay rabitaanka aan u qabo in ammaan na lagu harqiyo ficil kasta oo aan u istaagno qabashadiisa iyada oo ujeedadeenu tahay in aynu ka badbaadno dhalleeceynta naqdiga ku dhisan ee bulshada, waayo waxa naga maqan kalsoonida nafta oo aynu luminay markii aan wax weyn ka dhignay kuwa aan waxba tarin ee u nool ka hadalka ceebaha dadka”. Norman Vincent Peale.


= " Si kasta oo aad u fiican tahay, u sharaf badan tahay, runta aad ugu dhiirato, waxaad arkaysaa dad aan ku jecleyn haddana aan garanayn sababta ay kugu neceb yihiin”. Gibran Khalil Gibran.


=” Hammigaaga ha ka dhigin in aad noqoto midka ugu wanaagsan dadka, ugu magaca dheer ama loogu jecel yahay si aanay naftaadu culays u dareemin, waxaad ku dedaashaa in aad ahaato mid ka fiican siduu shalay ahaa”. Lama garanayo cidda tidhi.


=” In aad u hanqal taagto guul weyn oo aad nolosha ka gaadho adiga oo aan la iman shaqo adag, ficil joogto ah iyo adkaysi ku dhaqaajiya oo aad caqabadaha kaga gudubto, waxa ay la mid tahay sida qof doonaya inuu dalag ka goosto dhul aanu hore tacabkiisa u beeran. " David Bly.


= " Dadka qaarkii waxa ay qabaan cudur ah in ay xumaanta faafiyaan. Waxa ay qariyaan wanaagga ay kuwa kale sameeyaan, dhaqankoodu waa sida duqsiga oo kale, waxa ay col la yihiin wax kasta oo wanaagsan waxa ayna u sacab tumaan xumaanta oo dhan sababtuna waxa ay tahay shaydaanka oo natooda ka qaabil noqday iyo tarbiyada fiican oo aan lagu soo barbarian markii ay carruurta ahaayeen”. Ibnu Taymiyyah.


= " Afrika oo keliya ayey tuugadu awood u yeeshaan in ay dib isu urursadaan si ay mar kale u dhacaan hantida qaranka iyaga oo taageero wanaagsan iyo bogaadin heer sare ah ka helaya dhallinyaradii ay mustaqbalkooda baabi’iyeen ". Professor Wole Soyinka.


= " Dadka oo aad raaligelisaa waxa ay la mid tahay waddo dheer oo dhammaadkeedu yahay loox wax tusaaleeya kaasi oo lagu xardhay dushiisa farri ah: waan ka xumahay jadka aad ku socoto waa mid xidhan”. Mark Twain.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

La soco…………………………

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...