Suldaan Maxamed: Geeridii Suldaan Yuusuf Xirsiqani, Dagaalkii Gaashaamo ee 1992 +
Marka Soomaalilaan la soo laabatay madax-bannaanida, waxa xigay in reer
kastaaba uu lahaa malleeshiyaad dayday la odhan jiray oo hubaysnaa. Waa
ciidankii SNM ee aan la qaramayn iyo dadweyne hubku gacantooda galay. Waxa
xigay isku dhacyadii ka huray Burco 1992kii iyo Berbera 1992kii.
Aniga oo aan labadaas colaadood halkan ku sii dhexgelaynnnin waxa aan soo qaadanayaa laba dhacdo oo uu isla 1992kii xalkooda ka qayb galay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir.
Geeridii Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi-Qani
Taariikhdu markay ahayd 9kii Juun, 1992kii ayuu Suldaan Yuusuf Suldaan
Xirsi-Qani oo ahaa Suldaanka Guud ee beesha Habar Yoonis uu u geeriyooday miino
kula qaraxday magaalada Hargeysa, taas oo loo aaneeyay in ay ahayd shirqool.
Qaabka uu Suldaanku u dhintay iyo gacanta uu ku baxay ayaa sababtay in dad
badani liqi waayaan hawsha meesha ka dhacday oo ay qorsheeyaan aargoosi.
Waxa xaajada cirka ku shareeray warxumo-tashiil buunbuuniyay falka dhacay, oo eed uu qof sameeyay qabiil dhan u xambaariyay. Kollayba waad garan kartaa urugada ka dalanaysa suldaan guud oo gacan aadame ku baxay.
Qudh-gooyada suldaanku waxa uu sababi gaadhay dagaal sokeeye oo dhex mara
ardaagiisa iyo qoyska uu ka soo jeedo qofkii dilka ka dambeeyay. Waxa la doonay
in maydkiisa loo qaado Burco halkaasna lagu aaso. Waxa se arrinkaa ergo muhiim
ah ka galay, hawl fiicanna ka qabtay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir iyo
Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo garab ka helaya beeshooda.
Waanwaantaasi waxa ay suurtogalisay qodobbadan:
1. In la demiyo xiisaddii ka dillaaci gaadhay geerida Suldaan Yuusuf,
2. In Suldaan Yuusuf lagu aaso Hargeysa, oo aan meel kale loo qaadin,
3. In isla goobtii aaska lagu caleemo-saaro Suldaan Ciise Suldaan
Xirsi-Qani
Dhacdadan waxa si waafi ah iigaga warramay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir iyo Suldaan Maxamed Suldaan XirsiQani
Markii uu Suldaan Maxamed taas iiga warramay waxa uu ii raaciyay dagaal kale oo isla maalmahaas uu xalkiisa qayb ama hormood ka ahaa. "Dagaalkii daawaha”ayuu ku suntay. "Halka rasaastu ka dhacaysay waxa yaallay daawe gaadhi” ayuu yidhi. Gulufkani waxa uu ka dhacay degmada Gaashaammo.
Waxyaabaha ay Soomaalidu isku dili jirtay waxa ka mid ahaa dhaca geela, biyaha, daaqa iyo dumarka. Colaaddani waxa ay ka kacday xilo. Haddii waanwaan lagu dhammayn lahaana waxa arlada dhabqiyay suugaan lagaga heesay gole ciyaareed…… Dil iyo dhiig daata ayay sababtay.. Ku sii fogaan maayo.
"Kolkii aanu shaqaaqada maqalnay ayaannu Hargeysa ka baxnay. Annaga oo go’yaal cad xidhan ayaan dhex tagnay labadii dhinac oo rasaas is-weydaarsanaya, kaddibna waanu dhex yaacnay, xabbaddiina waa ay joojieen. Waxa aannu isugu keennay shir ay isku laabxaadhaan, kuna garnaqsadaan. Xitaa ciidankii Xabashida ee meesha joogay ayaa ka yaabay dhiirranaanta ayaanu ku dhex gelaynno laba ciidan”. Dadka uu ii carrabaabay ee waanwaantaas kala qaybgalay waxa ka mid ahaa Suldaan uu dhalay Xasan Bulbul
Suldaan Maxamed waxa aan weyddiiyay"Shirka Boorama waxa qabtay Golaha Guurtida oo metelayay dhaqanka Soomaalilaan, miyaanay ahayn inaad shirguddoonka fadhiisataan oo aad hagtaan?”. Waxa uu ku warceliyay "Odayaashii guurtida ayaan ku idhi "Noo banneeya annaga ayaa xaq u leh guddoonka golaha dhaqanka”. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa igu yidhi "Adeer, waa odayaasheennii, iyaga ayaa illaa Cadarroosh, Madaweyn, Burco, Berbera illaa Sheekh hawsha inoo waday. Aan u deynno”
"Haddii guddoonka guurtida aad odayada u deyseen, maxaad u noqon weydeen xildhibaannada, illeen idinka ayaa dhaqanka metela”? ayaan weyddiiyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir. Waxa uu yidhi "Xilligii Golaha Guurtida la samaynayay, hal Suldaan ayaa gartay in uu meesha xubin ka noqdo. Intayada kale waxa in aanu talada ku qabsanno naga hor istaagay Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Suldaan Mahad”. Suldaankii Guud ee Gobolka Gebiley Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed IHUN ayaa noqday mudane ka tirsan Golaha Guurtida
Suldaan Maxamed oo ka warramay intuu ka joogay shirka Boorama 1993kii ayaa yidhi "Shirkii Booramana furistii iyo xidhitaankiisii ayaan joogay, intii uu socdayna ma joogin, oo waxaan uga maqnaa waxaan idhi "Meel laba nin oo Isaaqi ku tartamayaan, lama odhanayo Suldaan Maxamed ayaa midna raacay, midna diidday, kii la doortaba Suldaan baan u ahay, isaguna madaxweyne ayuu ii yahay”.
La soco qaybta 5aad haddii Alle idmo.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!