Cabashada Laga Qabo Ciidanka Booliska Oo Sii Kordhaysa Iyo Dhibaatada Ka Taagan Saldhiga Qudhac Dheer Oo Xadhkaha Goosatay

0
Monday February 22, 2021 - 10:26:20 in News by
  • Visits: 2181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabashada Laga Qabo Ciidanka Booliska Oo Sii Kordhaysa Iyo Dhibaatada Ka Taagan Saldhiga Qudhac Dheer Oo Xadhkaha Goosatay

    Cabashada Laga Qabo Ciidanka Booliska Oo Sii Kordhaysa Iyo Dhibaatada Ka Taagan Saldhiga Qudhac Dheer Oo Xadhkaha Goosatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabashada Laga Qabo Ciidanka Booliska Oo Sii Kordhaysa Iyo Dhibaatada Ka Taagan Saldhiga Qudhac Dheer Oo Xadhkaha Goosatay


Hargeysa(HWN):-muwaadin Siciid Ibraahin Ciid oo ka mid ah dadka shacabka ah ee magaalada Hargeysa ku nool ayaa cabasho xoogan ka muujiyey hab dhaqan sharciga baalmarsan oo uu kala kulmay ciidanka booliska gaar ahaan kuwa saldhiga xaafada Qudhac Dheer ee degmada Maxamuud Haybe.


muwaadin Siciid Ibraahin Ciid  ayaa qoraal uu soo saaray  waxa uu ku soo bandhigay   dhibaato  ka soo gaadhay ciidanka booliska ee saldhiga Qudhac Dheer ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

Khamiistii 18/02/2021 ayaa taliye ku xigaynka saldhigga qudhac dheer ilaa soo hadlay markaan u imid wuxuu I sheegay in inan aan dhalay dhawac fudud u gaysatay inan kale sida darteed aan la heeshiyo waalidkii dhinaca kale wax cadayn ah ima tusin fursad aan inantaydii ku wareysto ima siin, waa lay xidhay aniguna waxaan ahaa qof shaqo ka soo baxay ma haysan fursad aan ku gorgortamo heeshiis baan galay, markii 20/02/2021 aan maxkamada degmada tagnay waxaan ugu tagay kiis kale iyo laba hablood oo xidhan oo warrent maxkamadeed ku xidhan oo aan inantayddii ahayn iyo qoys kale oo aan ahayn qoyskii aan heeshiiska la galay oo maxkamada joogga, asaaska dacwada oo wax ka qaldan yihiin maxkamadii sabtidii waa na celisay.

maalintii axad ahayd ayaan maxkamadii baan ku noqday madama aan dhinacii dhawaaca qabayna aan heeshiis wada galnay in naloo tixgaliyo, maxkamadii waxay sii daysay inantayddii shantii galabnimo ayaa goobtii aan ka shaqaynayey waxaa yimid police iyo niman dhalinyaro dhar cad ah sheeganayaa in ay askar yihiin iyo nin aan ahayn waalidkii aan heeshiiska hore wadagalnay inantayddu aanay waxba u gaysan inantiisa dacwad naga dhaxaysa aanay jirin oo aad u qaylinayaa, aniguna waan ka maqna xiliga goobta oo dhisme kale ayaan shir kaga jiray halka waxa laga gaystay khalkhal galin shaqo afla gaadooyin, markii shirkii dhamaaday ee aan soo baxay ayaan irida kula kulmay qolyihii goobta shaqada joogay oo soo wareegay buuq iyo qaylo ayay bilaabeen markii la waydiyey waxay rabaana taliye ku xigaynka ayaa na soo diray ee hana raaco ayay yiraahdeen waan raacay markaan saldhiga tagnay taliyihii wuxuu I sheegay in aan laba mid kala doortoo in aan heeshiis labaad qoroo oo dhinac aan heeshiiskii hore ku jirin oo dhaawaca aan ilaa bixinayn nabarka ilaa qaadanayn, waxba aan inantayddu u gaysan oo aan dhibanayaal ahayn aan heeshiis kale la galoo ama uu i xidhayo waxna aanay ka jirin siideyntii maxkamada ee inantayda, waxaan mar labaad qoray heeshiis saddex dhinac ku jiran dhinac dhaawac hore sheeganayey iyo aniga iyo dhinac saddexaad oo aan wali garanayn halkaan iska soo galnay video la duubay u xidhna ma ogii waxaa video laga duubay mana garan videogaasi halku heeshiiskii dhaawaca ahaa ee hore ka soo galayoo heeshiis labaad baan xalay saxeexay oo kii maxkamadu ogayd aan ahayn taliye ku xigeenku igu qasbay, waxaan taliyaha iyo wasiirka arrimaha gudaha u sheegayaa in saldhigga qudhac dheer oo ah saldhiga ay ka cabanayso Hoodo Garays dhib badan iyo dacwad xumo badani ka jirtoo halis uu ku yahay sharciga iyo milgaha dowladeed iyo nabadgalyadda.

No photo description available.
No photo description available.

Siciid Ibrahim Ciid.

Loading...
Loading...