'' Digniin Culus , Duulaan Maskaxeed ''.

0
Monday February 22, 2021 - 10:20:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Digniin Culus , Duulaan Maskaxeed ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Taariikhdu waa sidda bartilmaameedka Noomiyadaha iyo sama-farayaasha wadooyinka diyaaradaha iyo baabuurta , Umad walibana waxay leedahay khariidad taariiiheed oo ay ka daalacato tagteeda kana hesho tilmaanta timaadadeeda umad kasta oo aan tariikh lahaynina waa umad ambata oo lunta sidda diyaaradaha iyo gaadiidka kaleba u lumaan hadii ay ka lumaan hagayaashoodda .



Sidaa markay tahay , Dawladnimadda Somaliland  rabitaanka shacabka , Sharciyadda iyo xaqiiqooyinka kale ee ay ku fadhido ka sakow waxaa sees u ah Taariikhdeeda  sidda Dawladaha  Aduunyadda kale , sidaa darteed waxaa jira baryahan dambe Duulaan culus oo ku socda Taariikhda  Somaliland si loo lumiyo Da'ayarta , loona macno tirro mabaadida ay u taagan tahay Somaliland .


Sidaa darteed , hadii aragteen dad si ula kac ah u naqdiyaya Taariikhda Somaliland ee horre gaar  ahaan Halgankii gobonimo-doonka, dhalashaddii Somaliland 26-june 1960 , Halgankii dib usoo celinta Somaliland iyo  Dib u dhiskii Somaliland , Ogaada maaha gef iyo is yeel yeel midna laakiin waa duulaan Istaraaji ah oo lagula jirro taariikhda Somalilland .


Umad walibana waxay hore u socod iyo sugnaan leedahay inta ay xaslato taariikhdeeda umada somaliland waxaa faran in ay ku fara adaygto taariikhdeeda dagaalka wayni ku socdo .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...