Hay'adda Caafimaadka Ee WHO Oo Digniin Ku Saabsan Xanuunka Covid-19 U Dirtay Wadan Afrikaan Ah
Dowladda Tanzania ayaa lagu tilmaamayay in si ku talagal ah isku dhaafineyso diiwaangalinta iyo la socoshada dadka uu soo ritay cudurka Covid 19.
Hay'addaha caafimaadka aduunka WHO ayaa ugu baaqday dowladda Tanzania in ay la wadaagto tirada dadka uu ku dhacayo cudurkan iyo saameynta uu dalka ku yeeshay, iyadoo la og yahay in ay jiraan dad badan oo la ildaran cudurka amaba ku dhintay.
Madaxweynaha Tanzania John Magufuli ayaa kol hore warbaahinta u sheegay in dalkiisu uu ka dhamaaday cudurkan, hasse ahaatee waxaa muuqata in wali uu jiro..
Marka uu hadalka jeediyay madaxweynaha kaddib ayaa la ogaaday in cudurkan gudaha dalkaasi ay ku dhinteen dad siyaasiyiin ah oo xitaa saaxiib dhaw la lahaa madaxweyne John Magufuli.